Israel ayaa waxay maanta sheegtay in ay dishay Abaanduulihii Ciidamada Iran, General Ali Shadmani, ka dib maalmo kooban oo shaqada uu hayay.
Militariga Israel ayaa sheegay in Madaxa cusub ee Taliska Khatam-al Anbiya lagu dilay weerar ay diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen bartamaha Magaalada Tehran.
“Ali Shadmani oo ah sarkaalka ugu sarreya Militariga Iran iyo la taliyaha ugu dhow ee Ayatollah Ali Khamenei ayaa lagu dilay weerar ay Ciidanka Cirka Israel ka fuliyeen bartamaha Tehran, ka dib xog sax ah oo sirdoon.” Ayuu Militariga Israel ku sheegay warsaxaafadeed.
Sarkaalkan ayaa la magacaabay saacado ka dib, markii Jimcihii duqayn lagu dilay taliyihii isaga ka horreyay oo lagu magacaabi jiray General Gholam Ali Rashid.
General Rashid ayaa ka mid ahaa Taliyeyaashii Ciidamada Iran ugu sarreyay ee lagu dilay wejigii koowaad ee weerarkii la yaabka lahaa ee ay Israel waaberigii hore ee Jimcihii ka gaysatay dalkaasi Iran.
Masuuliyiinta Iran ayaan xaqiijin warka ka soo yeeray Israel ee ku aaddan in ciidamadeeda ay saaxada dagaalka ka saareen General Ali Shadmani.
Dhanka kale Militariga Iran ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay gaysan doonaan weeraro kaloo la yaab leh, ka dib weeraradii ay maanta ku beegsadeen Xarunta Taliska Sirdoonka Militariga Israel ee ku taala xaafadda Glilot ee waqooyiga Tel Aviv iyo Qolka Qorsheynta Hawlgalada ee Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad oo isku aag ku yaala.
Weerarada sii kordhaya ee labada dhinac ayaa gaysanaya khasaare badan oo nafeed, mana jiraan wax calaamado ah oo hoos loogu dhigayo xiisadda taagan.
Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa mar sii horreysay sheegtay in dhimashada dhanka Iran ay mareyso 224 qof iyo dhaawaca in ka badan 1,200 oo qof, kuwaas oo intooda badan lagu dilay Caasimadda Tehran.
Israel ayaa waxay dhankeeda qiratay in tan iyo Jimcihii ay ka dhinteen 24 qof, 600 oo kalena ay dhaawacmeen.