Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Iran

Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Iran

by Laacib

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa markii ugu horreysay Talaadadan ka hadlay dagaalka Jimcihii ka dhex qarxay Israel iyo Iran ee xiisadda weyn ka abuuray Gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu uu aad uga walaacsan yahay xiisadda, sida lama filaanka ah cirka isugu shareertay ee ka taagan Bariga Dhexe, taasoo ka dhalatay tallaabada militari ee Israel ee ka dhanka ah Iran.

Madaxweynaha ayaa tibaaxay in Shiinaha oo xulafo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale la ah Iran uu ka soo horjeedo ficil kasta oo ku xadgudbaya buu yiri madaxbannaanida, amniga iyo wadajirka dhuleed ee dalalka kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ficilada militari aan lagu xalin karin dhibaatooyinka jira, kororka rabshadaha gobolkana aysan wax dan ah ugu jirin dunida.

“Colaadda ciidanku xal uma aha mashaakilaadka, xiisadaha gobolka ee soo ifbaxaya maaha kuwo la jaan-qaadaya danaha guud ee Beesha Caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Shiinaha.

Madaxweyne Xi Jinping oo ka garab hadlayay dhiggiisa Uzbekistan Shavkat Mirziyoyev oo ay ku wada sugan yihiin Caasimadda Kazakhstan ee Astana, isla-markaana ay kaga qaybgelayaan shirka labaad ee Shiinaha iyo dalalka bartamaha Asia ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan, sidii si degdeg ah loogu dejin lahaa xiisadda gobolka.

“Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka shaqeeyaan, sidii colaadda loo qaboojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan, loogana fogaan lahaa in xiisaddu ay sii kororto.” Ayuu yiri Xi Jinping, Madaxweynaha Shiinaha.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa hoosta ka xariiqay in Shiinuhu uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo dhammaan dhinacyada, si ay door wax ku ool ah uga qaataan sida uu yiri soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

“Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dhammaan dhinacyada, si ay kaalin wax ku ool ah uga qaataan soo celinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne Xi Jinping.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Tallaabooyinka militari ee Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa horseeday xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, taasoo ah waxa aynu ka walaacsanahay.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc