Home Wararka Caalamka Weerar ka dhacay dekedda ugu weyn Israel ee Haifa

Weerar ka dhacay dekedda ugu weyn Israel ee Haifa

by Laacib

Ciidamada Iran ayaa mar kale maanta tiro gantaalo ah ku weeraray Israel, iyadoo dhinaca kalena uu dagaalka labada dal galay maalintii sideedaad.

Ciidamada Iran ayaa la sheegay in tobanaan gantaalo ah ay ku weerareen dhulka ay Israel maamusho, mid ka mid ahna uu ku dhacay bartilmaameed muhiim ah oo ku yaala Dekedda Haifa, oo ah midda ugu weyn ee Israel.

Muuqaal si qarsoodi ah loo soo dusiyay ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeray hawada Haifa. Israel ayaa mamnuucday in dadku ay duubaan goobaha ay Iraaniyiintu beegsadaan, waxaanu Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir uu Khamiistii ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii la arko iyadoo muuqaal ka duubeyso goobaha ay wax ka dhacaan.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in laba qof ay si xun ugu dhaawacmeen Haifa, ka dib weerar loo adeegsaday gantaal ballaastik ah.

Warbaahinta Israel ayaa dadka deegaanka ka soo xigatay in dhowr qarax oo waaweyn laga maqlay magaaladaasi.

TV-ga Channel 12 ayaa ku waramay in Iran ay illaa 25 gantaal ku soo weerartay gudaha Israel, isla-markaana ay qaarkood la beegsatay bartilmaameedyo ku yaala Haifa iyo Beersheba, oo ah magaalo ku taala koonfurta Israel.

Israel ayaan wax faah faahin ah ka bixin bartilmaameedka ku yaala aagga Dekedda Haifa ee la weeraray, balse Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay duqeeyeen dhisme ku yaala magaaladaasi, isla-markaana uu dhismahaasi yahay mid xasaasi ah oo Maamulka Israel uu leeyahay.

Duulaanka hawada ee Israel iyo Iran oo bilowgii ku ekaa goobaha ciidamada ayaa markii dambe ku fiday kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dadweynaha ee labada dal.

Ciidanka Cirka Israel ayaa Sabtidii bilaabay in ay weeraraan ilaha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan xarunta saliidda Shahran iyo Garoonka Diyaaradaha Mehrabad ee Magaalada Tehran, waxaana xigay inay bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda dalkaasi iyo isbitaalada, taas oo ka sii carreysiisay Iran.

Militariga Iran ayaa Khamiistii shalay hadaf militari ka dhigtay isbitaalka weyn ee Beersheba, kaas oo lagu daweeyo Ciidamada Israel ee ololaha militari ka wada Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa weerarkan ku tilmaamay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin, isagoona wacad ku maray in ay ka aargudan doonaan Iran.

Taliska Ciidamada Iran ayaa sheegay in weeraradii maanta ay ka gaysteen gudaha Israel ay jawaab u yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee uga yimid maamulkaasi.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa ku hanjabay in jawaabta Iran aysan joogsan doonin, illaa iyo inta ay Israel sii waddo weeraradeeda gardarrada ee ka dhanka ah dalkiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc