Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in ay mar kale garaaci doonaan xarumaha nuclear-ka ee Iran, haddii Tehran ay isku daydo in ay sii waddo dadaaladeeda ku aaddan sameysashada hubka nuclear-ka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku weeraray Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei oo isagu beeniyay in Mareykanku uu waxyeelo u gaystay xarumahooda nuclear-ka, isaga oo daba jooga warkii Trump ee Arbacadii uu ku sheegay in ay burburiyeen xarumahaasi, ka dib weerarkii xagga cirka ay Axaddii ku qaadeen.
Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka Iran ayaa sheegay in 12-kii maalmood ee dagaalka uu socday ay Ciidamada Iran jug weyn u gaysteen Israel, si la mid ahna ay garaaceen wejiga Mareykanka, ka gadaal weerarkii aargushada ay Isniintii ku beegsadeen saldhigga ugu weyn ee ay ciidamadiisu ku leeyihiin Bariga Dhexe, oo ah Saldhigga Ciidanka Cirka Al Udeid ee dalka Qatar, warkan oo Trump uu ka carooday.
Trump oo Jimcihii ka jawaabayay warka Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in wadaadka reer Iran ay tahay in uu runta ka sheego, isla-markaana aanu qarin burburka ay u gaysteen goobahooda nuclear-ka iyo waxyeelada kale ee dalkiisa ka soo gaartay duqaymihii Israel.
Trump ayaa waxa uu qiray in Iran ay khasaare u gaysatay Israel, muddadii uu dagaalku socday, sidoo kalena ay Iran ka doonayaan in ay jabkeeda qirato.
“Fiiri, waxaad tahay nin iimaan leh, nin dalkiisa si weyn looga ixtiraamo. Waa inaad runta sheegtaa.” Ayuu yiri Trump oo wadaadka reer Iran ka dalbaday in uu qirto in ay cadaab la kulmeen.
Waxa kaloo uu sheegay in uu si sax ah u garanayay halka uu ninkaasi ku sugan yahay iyo inuu Ciidamada Israel iyo kuwa Mareykanka ka hor istaagay in la dilo. Waxa uu intaasi ku daray in uu geeri ka badbaadiyay ninkaasi, haddana aanu u soo mahadcelin.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo gelinkii dambe ee Jimcihii la hadlay Warbaahinta, ka dib qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa internet-ka ayaa sheegay in hadalada Ayatollah Ali Khamenei ay liddi ku yihiin xaqiiqda jirta, isagoona hoosta ka xariiqay in duqaymihii Israel iyo Mareykanka ay waxyeelo xoogan u gaysteen saddexda goobood ee muhiimka ah ee nuclear-ka Iran.
Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbaddiisii ugu dambeysay ee shacabka uu kula hadlayay ku sheegay in Iran ay ku guuleysatay dagaalkan, isla-markaana ay sii wadi doonto horumarinta barnaamijka nucear-keeda, waxaana uu Mareykanka uga digay in mustaqbalka uu weerar ku soo qaado dalkaasi.
Trump ayaa Iran kaga digay in ay dib u bilowdo barnaamijkeeda nuclear-ka, taas oo keeni doonta in Mareykanka uu mar kale fara-gelin militari ku sameeyo dalkaasi.
Trump ayaa masuuliyiinta Iran ugu yeeray in ay ogolaadaan kormeer caalami ah oo lagu sameeyo goobahooda nuclear-ka iyo in ay la shaqeeyaan Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.
Trump oo shirkiisa jaraa’id ee Aqalka Cad lagu weydiiyay su’aal ahayd inuu su’aal la’aan weerari doono Iran, haddii sirdoonku soo caddeeyaan in ay kobcineyso uranium-ka, illaa heer ay ku sameysan karto hubka nuclear-ka ayaa sheegay in markaasi uu ka fiirsan doono in la duqeeyo dalkaasi.
Dhanka kale Trump ayaa sheegay in uu ka shaqeynayay, sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa Iran, balse uu go’aansaday in uu si degdeg ah u joojiyo in laga qaado cunaqabateyntaasi, ka dib hadalkii Khamenei.
Isku dhichii ugu dambeeyay ee dhex maray Iran iyo Israel ayaa ka dhashay, markii Israel ay weeraro ku qaadday goobaha nuclear-ka iyo kaabeyaasha militariga ee dalkaasi, iyadoona weeraradeeda ku dishay saraakiil sarsare oo militari iyo saynisyahano reer Iran ah.