Home Dhacdooyin Shacabka Iran oo muujiyay inay mideysan yihiin (SAWIRRO)

Shacabka Iran oo muujiyay inay mideysan yihiin (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka Iran ayaa maanta sameeyay isu soo bax soo jiitay indhaha caalamka, iyagoo ka qaybgelaya aas qaran oo dowladdu ay u sameynaysay tobanaan ka mid ah dadkii kaga dhintay dagaalkii 12-ka maalmood ee ay Israel la galeen.

Dad tiradooda lagu sheegay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Tehran, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay 60 qof oo meydadkooda la keenay Tehran, si loogu aaso qabuuraha magaalada, oo ay ku jiraan saraakiishii militariga, saynisyahanadii nuclear-ka iyo qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay, intii uu socday dagaalka labada dal ee qarxay 13-kii bishan June.

Xubnaha maanta la aasay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami, Taliyihii Militariga Iran, General Mohammad Bagheri, Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka, Amir Ali Hajizadeh iyo ugu yaraan lix saynisyahano, kuwaas oo dhammaantood lagu dilay dagaalka.

Wakaaladda Wararka Tasnim ee laga leeyahay dalka Iran ayaa ku warantay in aaska qaran uu ka dhacay Qabuuraha Behesht-e Zahra, oo ah midka ugu weyn ee dalka, kaas oo ku yaala qaybta koonfureed ee Tehran.

Dadka reer Iran oo muujinaya in ay u mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah Israel ayaa Sabtidan isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo ku labisan dhar madow, oo ay ugu baroordiiqayaan dadkii kaga dhintay dagaalka, waxayna ku dhawaaqayeen ‘Israel iyo Mareykanka ha dhintaan’.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa wax xanuun badan ku tilmaamay dadka qiimaha leh ee kaga dhintay dagaalkan, balse aanu marnaba dalkiisu isu dhiibi doonin cadowga.

Wasiir Araghchi ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu ka xoog badnaan doono, sida uu ahaa dagaalka ka hor, isaga oo xusay in qabka qaranka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee dalkiisa.

Iran ayaa waxay qiratay in dagaalka ay kaga dhinteen 627 qof, halka Israel ay sheegtay in 28 qof ay dhinaceeda ka dhinteen, inkastoo la aaminsan yahay in Israel ay qarineyso khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray duqaymihii Iran.

Kol horeba, Iraaniyiinta ayaa taageeray fekerka ah in dhiigooda ay huraan, bedelkii ay is dhiibi lahaayeen oo sharaf xumana ay ku dhici lahayd.

Isu soo bixii maanta ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee muddo tobanaan sano ah ka dhaca dalka Iran, waxaana uu yimid, ka dib dagaalkii ugu dhimashada ee taariikhda Iran iyo Israel.

Iraaniyiinta oo in muddo ahba la sheegayay in ay kala qaybsan yihiin, sababtu tahay nidaamka ka arrimiya dalkaasi ayaa hadda ciidamada amniga kala shaqeynaya, sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa amniga dalka, loona soo afjari lahaa dadka la shaqeeya Sirdoonka Israel ee bixinaya sirtii qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc