Home Dhacdooyin Maxkamadda Sare Ingiriiska oo diiday in qalabka diyaaradaha laga joojiyo Israel

Maxkamadda Sare Ingiriiska oo diiday in qalabka diyaaradaha laga joojiyo Israel

by Laacib

Maxkamadda Sare Ingiriiska ayaa waxay sharci darro ku tilmaamtay go’aanka ay dowladda dalkaasi qayb ka mid ah qalabka militariga ugu dhoofineyso Israel, inkastoo maxkamaddu aysan diidan in qalabkaasi laga sii iibiyo Israel.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in go’aanka ay dowladda ku ogolaatay in Israel loogu dhoofiyo qaybo ka mid ah qalabka diyaaradaha dagaalka ee F-35 uu yahay mid sharci darro ah, walow ay maxkamaddu aqbashay in loo isticmaali karo jebinta sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Maxkamadda ayaa waxay sheegtay inaysan awood dastuuri ah u lahayn inay dowladda ka joojiso in Israel loo dhoofiyo dhammaan agabka uu Ingiriisku sameeyo ee loo isticmaalo diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.

“Sida uu qabo dastuurkeenna, arrinta xasaasiga ah ee siyaasadeed waa arrin u taal fulinta, taas oo si dimoqraadi ah ula xisaabtamayaan Baarlamaanka iyo codbixiyeyaasha, maahan maxkamadaha.” Ayaa lagu yiri xukunka ay ridday maxkamadda.

Dowladda Ingiriiska ayaa bilowgii bishii September hakisay 30 ruqsad ama shati ee agabka militari looga iibinayay Israel, ka dib markii London ay dib u eegis ku sameysay in dagaalka Israel ee Marinka Gaza uu waafaqsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo in kale, laakiin London ayaa ogolaatay in qayb ka mid ah qalabka dayactirka ee diyaaradaha F-35 ka iibin karto Israel, iyadoo ku andacootay inaysan ka bixi karin barnaamijka difaaca, iyada oo aan khatar gelin nabadda caalamiga ah. Ingiriiska ayaa ka mid ah barnaamijka difaaca caalamiga ah ee soo saara agabka loo adeegsado duqaymaha.

Kiiskan ay maxkamaddu sheegtay inaysan fara-gelin karin ayaa waxaa horkeenay urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha Falastiin oo lagu magacaabo Al-Haq, iyagoo doonayay in qalabkaasi laga mamnuuco Israel, maadaama agabka Ingiriiska loo isticmaalo xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, marka ay noqoto dagaalka Israel ee Gaza.

Hay’adda samafalka ee Oxfam oo taageerta doodaha sharciga ah ayaa sheegtay in ay soo bandhigtay caddeymo xoogan oo la xiriira in qalabka ay London u dhoofiso Israel ee loo adeegsado diyaaradaha F-35 uu door weyn ku leeyahay dhimashada iyo burburka ballaaran ee Gaza.

Oxfam waxay sheegtay in caddeymaheeda ay muujinayaan in Israel ay sii kordhineyso weerarada ay ku hayso kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan warshadaha biyaha sifeeya iyo tasiilaadka kale ee fayadhowrka, isla-markaana ay Gaza ka dhigtay meel aan lagu noolaan karin.

“Marka lagu daro xanibaadaha ba’an ee gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, tani waxay uga sii dartay xaaladdii hore ee darneyd ee ka jirtay Marinka Gaza. Oxfam waxay maxkamadda siisay caddeyn xoog leh oo ku saabsan dhibaatada weyn ee rayidka ka soo gaartay weerarada Israel.” Ayay tiri Carolin Ott oo ka mid ah qareenada la shaqeeya Oxfam.

Hay’adaha Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa muujiyay, sida ay uga xun yihiin xukunka maxkamadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc