Home Wararka Caalamka Xamaas oo eedeymo u jeedisay Raysal Wasaaraha Israel

Xamaas oo eedeymo u jeedisay Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in aysan iyagu diidaneyn in la gaaro heshiis lagu soo afjari karo colaadda Gaza, balse cidda diidan ay Israel tahay.

Osama Hamdan oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaysan illaa iyo hadda wax xabad joojin ah ka maqlin Maamulka Israel, taasi bedelkeedana ay sii wadaan xasuuqa dadka rayidka ah.

Osama Hamdan ayaa sheegay in dhinacooda ay soo bandhigeen aragti taageereysa in la gaaro heshiis si dhameystiran loogu soo afjarayo dagaalka, laakiin aysan wax jawaab ah ka helin nidaamka ka arrimiya Israel.

“Waxaa naga go’an inaan raadino xabad joojin badbaadineysa dadkeenna, waxaana kala shaqeynaynaa dhexdhexaadiyeyaasha, si loo furo waddooyinka.” Ayuu yiri sarkaalkan oo Al Jazeera la hadlay.

Osama Hamdan ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu ka faa’iideysanayo xabad joojinta Iran, isla-markaana uu shaki gelinayo heshiiska xabad joojinta Gaza, keliya si ay u sii wadaan dilka dadka rayidka ah.

“Sii wadidda gardarrada waxay keeneysaa in iska caabinta ay sii socoto.” Ayuu yiri Osama Hamdan oo ka digay xagal daacinta Netanyahu ee heshiiska xabad joojinta.

Waxa uu Mareykanka ku eedeeyay in aysan mowqif cad ka qaadan inay cambaareeyaan diidmada Netanyahu ee soo jeedinta xabad joojina.

Qatar iyo Masar oo ah dalalka marti geliya kulamada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas ayaa Isniintii sheegay in ay sare u qaadeen xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac, haddana in aan weli la cayimin waqtiga la qaban doono wareegga cusub ee wada hadalada xabad joojinta.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in inkastoo Mareykanku uu doonayo heshiiska xabad joojinta Gaza, haddana ay jiraan caqabado ku gadaaman in la bilaabo wada hadalada heshiiska xabad joojinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in Israel ay kordhisay duqaymaheeda Gaza, ka dib xabad joojintii ay la gashay Iran, isagoo intaasi ku daray in ay adkaatay in la aqbalo khasaaraha sii socda ee bani’aadantinimada Gaza, waxaana uu ka digay in aan la ogolaan karin xiriirka ka dhaxeeya dhinacyada bani’aadantinimada iyo kuwa militariga ee Gaza, isaga oo tusaaleynaya in Ciidamada Israel ay dilayaan dadka gargaarka bani’aadantinimo u soo doonta goobaha ay ilaalinayaan.

Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in guusha ay Israel ka gaartay Iran uu abuuray sida uu yiri fursado ay ka mid yihiin in la sii wado hawlgalka lagu soo furanayo la haysteyaasha.

Netanyahu ayaa waxa uu diidan yahay in iyadoo aanu cadaadis jirin ay heshiis la galaan Xamaas, waana xilli ciidamadiisa aysan wax niyad ah u hayn dagaalkan.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Gaza ayaa Axaddii gacmaha ka taagay inaysan intaan ka dib sii wari karin dagaalkan, ha yeeshee uu Netanyahu militariga ku amray in loo diyaargaroobo wejiga xiga ee dagaal dhul cusub looga qabsanayo Marinka Gaza.

Netanyahu ayaa amarkan bixiyay, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Jimcihii sheegay in toddobaadkan gudihiisa la gaari doono xabad joojin horseedeysa in la dhameeyo colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc