Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social ku soo qoray in Israel ay ogolaatay shuruudo xabad joojin ah oo 60 maalmood laga sameeyo Marinka Gaza, isagoona Xamaas ugu baaqay in ay aqbasho, waxa uu ugu yeeray soo jeedinta ugu dambeysa ee xabad joojinta 60-ka maalmood ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay dhinacyada kala shaqayn doonaan, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.
“Wakiiladaydu waxay maanta kulan dheer oo wax ku ool ah ay Israeliyiinta kala yeesheen Gaza, waxayna Israel ogolaatay shuruudaha lagama maarmaanka ah, si loo dhameeyo 60-ka maalmood ee xabad joojinta, muddadaas oo aan la shaqayn doono dhammaan dhinacyada, si loo soo afjaro dagaalka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaan sheegin wakiiladiisa iyo cidda ay kulanka is afgaradka ah la qaateen, balse Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio iyo Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa kulan la lahaa Ron Dermer, oo ah La taliyaha Sare ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in soo jeedintan kama dambeysta ah ay gaarsiin doonaan Qatar iyo Masar, oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu muhiimsan ee wada hadalada heshiiska xabad joojinta ee Xamaas iyo Israel.
“Waxaan rajeynayaa wanaaga Bariga Dhexe in Xamaas ay qaadato heshiiskan.” Ayuu yiri Trump oo ka digay in haddii ay Xamaas diiddo ay xaaladda uun uga sii dari doonto.
Trump ayaa qoraalkan daabacay saacado ka dib, markii uu Warbaahinta u sheegay in toddobaadka soo socda la gaari doono heshiiska xabad joojinta Gaza.
Mar la weydiiyay in la joogo waqtigii cadaadiska lagu saari lahaa Raysal Wasaaraha Israel in la gaaro heshiis horseedaya in la soo afjaro colaadda Gaza ayuu sheegay in uu diyaar u yahay heshiiskaasi in la gaaro.
Soo jeedintan ugu dambeysa Trump ee xabad joojinta ku-meel-gaarka ah looga sameynayo Gaza ayaa laga yaabaa in ay Xamaas ka hortimaado, maadaama ay Xamaas ku gorgortameyso xabad joojin waarta, si ay u sii deyso maxaabiista Israel.
Xamaas iyo Israel ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex wareeg oo heshiis xabad joojin ah, oo midka horena uu soconayo lix toddobaad, laakiin Israel ayaa markii dambe diiday in loo gudbo wejiga labaad oo horseedaayay in ay ciidamadeeda kala baxdo qaybaha Gaza oo dhan, iyadoona ku adkeysatay in lagu sii socdo wejigii koowaad, maxaabiis is dhaafsigana la sii wado, taasoo ay Xamaas ku gacan seyrtay, sheegtayna inaysan ahayn wixii lagu heshiiyay.
Wejiga koowaad ayaa ku saabsanaa xabad joojin ku-meel-gaar ah, halka kan saddexaadna uu taageerayay in si buuxda loo soo afjaro dagaalka.
Ka dib xabad joojin socotay ku dhawaad muddo laba bilood ah, Israel ayaa dib u soo cusbooneysiisay weeraradeedii aan kala sooca lahayn ee Gaza, taas oo ay ku jebisay heshiiska, mana jirin cid kula xisaabtantay amaba u ciqaabtay, iyadoona Mareykanku uu ahaa dalka ugu weyn ee bilowgii damaanad qaaday in heshiiska la ilaalin doono.