Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo horjoogeyaal Shabaab oo weerar lagu dilay

Dagaal ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo horjoogeyaal Shabaab oo weerar lagu dilay

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka dhacay duleedka Degmada Raage Ceele ee gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay war ka heleen dhaqdhaqaaq ay maleeshiyada Al Shabaab ka wadeen deegaanada Jabada (Jabado) Carbeed iyo Garas Maxaa Cumar oo dhanka waqooyi uga beegan Degmada Raage Ceele.

Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay halkaasi dagaal culus kula galeen maleeshiyadaasi, ka hor inta aysan dagaalka dib kaga soo biirin Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu soo gaaray gabal-dhicii caawa, isla-markaana ay ciriiri tahay isgaarsiinta deegaanadaasi, taas oo adkeynaysa in faah faahin laga helo dagaalka iyo khasaarihii uu gaystay.

Goor sii horreysay, Saraakiisha Militariga ee ku sugan Degmada Raage Ceele ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu ahaa mid lagaga hortagayay Shabaabka oo qorsheynayay in ay weerar ku soo qaadaan degmadaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa muddooyinkanba abaabul iyo diyaargarow ciidan ka waday Degmooyinka Raage Ceele & Cadale iyo deegaanada ku dhow dhow, si ciidamadu ay dib ugu laabtaan deegaanadii bariga gobolka ee laga qabsaday horaantii sanadkan.

Shabaabka ayaa dhankooda dhawaan dhaqdhaqaaq liddi ku ah diyaargarowgaasi ciidan ka bilaabay deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Raage Ceele, iyaga oo ujeedkoodu yahay in ay fashiliyaan diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda.

Dhanka kale xubno ay ku jiraan laba ka mid ah horjoogeyaasha Al Shabaab ayaa la sheegay in Khamiistan lagu dilay deegaanka Guulane ee isla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Horjoogeyaashan oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Abuukar Maxamed Saaqle (Cali Xabad) iyo Maxamed Caddow Ciise ayaa la sheegay in lagu dilay weerar gaar ah oo Xoogaga Macawiisleyda ay ka fuliyeen deegaankaasi.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ku warantay in horjoogeyaashan ay door muuqda ku lahaayeen hagista weerarada kooxaha argagixisada ee gobolka.

Axmed Dhagey Xuurshow, Taliyaha Macawiisleyda ee aagga Guulane ayaa sheegay in horjoogeyaashaasi lagu dilay hawlgal barakaysan, sida uu yiri.

Xuurshow ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in raggaasi ay la dileen laba ka mid ah ilaaladoodii, hubkoodiina ay ka furteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc