Home Dhacdooyin Hal qodob oo cusleeyay wada hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka

Hal qodob oo cusleeyay wada hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka

by Laacib

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen Xubnaha Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulankii ay siyaasiyiintu Khamiistii la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Madasha Samatabixinta, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay Madaxweynaha dood adag kala yeesheen 4-tii ajande ee 25-kii bishii June ay labada dhinac ku heshiiyeen in ay sal u noqdaan wada hadalada ay xalka ugu raadinayaan arrimaha masiiriga ah ee ay isku khilaafsan yihiin.

Afhayeenka ayaa muujiyay in ay si gaar ah dood adag uga yeesheen arrinta Dastuurka KMG, balse sida uu sheegay ay isla meel dhigi waayeen.

“Arrimaha dastuurka runtii aad iyo aad ayaan uga doodnay, laakiin waan isla meel dhigi waynay arrimahaasi, waqti dheerna way naga qaadatay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa yiri “Sidaa darteed markii dambe waxaynu ku soo afmeernay, iyadoo weliba dowladdu ay codsatay in waqti ay qaataan, oo waqtigaasna uu noqdo 20-ka bisha inta ka horreyso, ka dib la isku yimaado, waayo aragtideenna ku aaddan oo aan u gudbinay ayaa waxay noo sheegeen inay u baahan yihiin inay waqti helaan, si ay uga arrinsadaan.”

Daahir Maxamuud Geelle ayaa intaasi ku daray in inta laga gaarayo 20-ka bishan ay ka war sugayaan dhinaca Dowladda Federaalka, isla-markaana ay ka sugayaan aragti dhaxal-gal ah oo sida uu yiri la aqbali karo.

Ma cadda, sida Villa Somalia ay uga tanaasuli karto wax ka bedelkii sanadkii hore lagu sameeyay afar ka mid ah cutubyada Dastuurka KMG iyo in ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo uu jiro cadaadis caalami ah, si dalka looga qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 31-kii bishii March ee sanadkii 2024 saxiixay wax ka bedelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka KMG, maalin ka dib, markii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen wax ka bedel cusub oo lagu sameeyay 4 ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, iyadoo ansixinta wax ka bedelka 4-ta cutub uu tusaale ahaan ka dhashay in tobanaan sano ka dib dalka laga hirgeliyo hannaan doorasho oo ku dhisan metelaadda dadweynaha, taas oo jiho cusub u kaxeynaysa nidaamka dowladnimada ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xilligaasi sheegay in dhameystirka dastuurku uu aasaas u yahay horumarinta dimoqraadiyadda, sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkeynta iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqdo mid weli ku dhegan go’aankiisa ah in doorashada loo celiyo dadweynaha, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.

Mucaaradka oo kale waxay doodoodu ugu weyn ay tahay in ay khasab tahay in doorashada soo socota ay noqoto mid heshiis lagu yahay iyo in ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan qaabka ay ku suurtageli karto.

Mucaaradka oo u badan Raysal Wasaareyaal hore, Gudoomiyeyaal Baarlamaan iyo Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo uu ka mid yahay ayaa horey si adag uga horyimid in dowladdu ay dalka ka qabato doorasho ay iyadu maamulkeedu leedahay, waana waxa khilaafkooda ka dhigay mid muddooyinkanba soo jiitama.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa marar badan mucaaradka ku dhaliilay in ay doonayaan in lagu laabto doorashadii dadbaneyd iyo Teendhada Afisyooni, taas oo ay ku sheegeen mid aan la aqbali karin.

Marka aad milicsato duruufaha amniga iyo kan siyaasiga ah ee ka jira meelo badan oo dalka ka mid ah ayaan la garaneyn, sida lagu xaqiijin karo in doorasho hufan oo dadweyne laga qabto dalka oo dhan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc