Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo ay wehlineysay marwada koowaad ee dalka, Melania Trump ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad ku qaabilay Edan Alexander, kaas oo wax ka badan sanad iyo bar lagu haystay gudaha Gaza.
Edan Alexander oo ah askari Israeli ah, sidoo kalena haysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho ee laga xoogay Falastiiniyiinta, balse ay Tel Aviv ugu yeerto koonfurta Israel.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sii deyntiisa, isagoo intaasi ku daray in xaqiijinta sii deyntiisa ay aad muhiim ugu tahay marwada koowaad ee dalka.
“Xaqiiqda ah in aad Mareykan tahay ayaa saamayn weyn ku yeelatay in aad halkan nala joogto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Xoogaga Xamaas ayaa 12-kii bishii May sii daayay ninkaasi, ka dib heshiis ay si toos ah ula galeen Mareykanka, iyaga oo ku bedelanaya in la furo waddooyinka Marinka Gaza iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan, ka dibna la bilaabo wada hadalo lagu soo afjarayo colaadda Gaza.
Heshiiskan oo labada dhinac ay 11-kii May ku gaareen dalka Qatar ayaa noqday kiisii ugu horreyay ee Mareykanka uu la galo Ururka Xamaas, oo muddo dheer uu u tixgelinayay urur argagixiso, isagoo ka tanaasulaya mowqifkiisii hore, si loo bilaabo dadaalo lagu sii deynayo maxaabiista ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku haystaan Marinka Gaza, hase yeeshee heshiiska ayaa xilligaasi ka socon waayay dhinaca Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo sida la sheegay ka xumaaday heshiiskaasi, oo aan laga talagelin.
Xamaas waxay sheegtay in 21 jirkaasi lagu sii daayay xiriirka ay la bilaabeen Dowladda Mareykanka. Aqalka Cad ayaa sii deyntiisa ku tilmaamay mid bilow u ah in xal laga gaaro dagaalka lagu hoobtay ee Gaza.
Edan Alexander ayaa noqday maxbuuskii ugu dambeeyay ee ay Xamaas sii deyso iyo maxbuuskii ugu horreyay ee la sii daayo, tan iyo markii Israel ay 18-kii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta ee iyaga iyo Xamaas gaareen 15-kii bishii January, balse ay dhaqangelintiisu Gaza ka bilaabatay 19-kii bishaasi.
Alexander ayaa Madaxweyne Trump ku booriyay in uu sameeyo wax kasta oo uu awoodo, si loo sii daayo xubnaha kale ee weli lagu haysto Gaza.
Alexander ayaa Madaxweynaha la wadaagay cabsida uu ka qabo inta uu socdo dagaal Gaza ay taasi halis weyn ku tahay nolosha maxaabiista.
Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa waxay gacanta ku hayaan 50 maxbuus, kuwaas oo ugu yaraan 20 ka mid ah la aaminsan yahay in ay nool yihiin.
Si kastaba ha-ahaatee kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Ergayga Madaxweyne Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff oo ka shaqeeyay sii deynta Alexander.