Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa maanta weeraray xarun ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka Moora Godan oo hoostaga Degmada Raage Ceele ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in xaruntan ay Shabaabku u istcimaalayaan goob ay ku daweeyaan maleeshiyadooda ku dhaawacanta weerarada ay ka wadaan bariga gobolkaasi.
Macawiisleyda ayay wararku sheegayaan in ay lahaayeen gacanta hore ee weerarka, dibna ay kaga biireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka.
Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku waramay in ciidamadu ay burburiyeen xaruntaasi, isla-markaana ay ka hortaggeen dhaqdhaqaaq iyo abaabul ay Shabaabku halkaasi ka wadeen.
Raadiyaha ayaa sheegay in hawlgalku uu ku guul soo dhammaaday, balse ma sheegin cidda hadda gacanta ku hayso deegaanka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu ay dib uga soo gurteen deegaankaasi, ka dib markii Shabaabku ay gurmad cusub heleen.
Dagaalkan ayaa daba socdo mid kale oo Khamiistii ka dhacay deegaanada Jabada Carbeed iyo Garas Maxaa Cumar oo hoostaga Degmada Raage Ceele. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ciidamadu ay qaadeen weerar ay kaga hortaggayeen dhaqdhaqaaqyo ay ogaadeen in Al Shabaab ay deegaanadaasi ka waddo.
Ciidamada ayaa isku dayaya in deegaanada hoostaga Raage Ceele ay dib uga riixaan maleeshiyadaasi, si aysan u fashilin qorshaha ay dib ugu la wareegayaan deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolka ee laga qabsaday horaantii sanadkan.