Home Wararka Caalamka 5 ka mid ah Militariga Israel oo lagu dilay waqooyiga Gaza

5 ka mid ah Militariga Israel oo lagu dilay waqooyiga Gaza

by Laacib

Shan askari oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel ayaa maanta lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza, xilli Israel ay kordhineyso weeraradeeda Gaza, iyadoo wada hadalada xabad joojintana ay meel wanaagsan marayaan.

Taliska Militariga Israel ayaa caawa sheegay in shan ka mid ah ciidamadooda lagu dilay qarax ka dhacay aagga deegaanka Beit Hanoun, toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Askarta la dilay ayaa dhammaantood ka tirsanaa Guutada Nahal ee Ciidanka Difaaca Israel, sida uu taliskoodu sheegay.

Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tani ay tirada dhimashada ka dhageyso 408 askari, tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii October ee sanadkii 2023.

Askarta maanta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yair Yakov Shushan 23 jir, Yahav Hadar 20 jir, Guy Karmiel 20 jir, Aviel Wiseman 20 jir iyo Yoav Feffer oo 19 jir ahaa.

Ku dhawaaqista geeridooda ayaa calaamad u ah dagaalka culus ee ka soconaya waqooyiga Gaza, halkaas oo wax ka badan 100 maalmood ay gudaha ugu jiraan Ciidamada Israel.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa sare u qaaday weerarada xagga cirka ee ay ka gaysanayaan qaybaha Gaza oo dhan, iyadoona uu kordhayo khasaaraha dadka rayidka ah.

Kooxaha caafimaadka ayaa Isniintan sheegay in saacadihii la soo dhaafay la dilay ugu yaraan 45 qof oo shacab ah, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa si taxadar la’aan ah u garaacaya dhismayaasha ay gabaadsanayaan dadka rayidka ah ee wajahaya xaaladda ciirsi la’aanta ah.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa qaylo dhaan ka muujinaya masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan, waana xilli is hortaaga Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ee ka dhalatay in dadka qaarkii ay gaajo ugu dhintaan gudaha Gaza.

Israel ayaa uga sii dareysa xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, iyadoo rajo laga muujinayo wada hadalada Israel iyo Xamaas uga socda dalka Qatar.

Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas iyo Israel ay toddobaadkan gaari karaan heshiiska xabad joojinta Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc