Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen dab xoogan oo ka kacay Hotelka Grand Kartal oo ku yaala goobta barafka loo dalxiiska tago ee Kartalkaya.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu waaberigii hore ee saakay ka kacay qaybta maqaayadda ee hotelkaasi.
Dabka ayaa ku fiday qaybaha sare ee hotelkan alwaaxa ka sameysan ee 12-ka dabaq ka kooban.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dadka qaar ay ka boodeen daaqadaha, ka dib markii uu aad ugu soo fiday dabka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dabka ka kacay hotelka ku yaala Magaalada Bolu oo u dhaxeysa Magaalooyinka Ankara iyo Istanbul uu bilowday, saacaddu markay ahayd 03:27am ee waqtiga maxaliga ee dalkaasi.
Dabka ayaa kacay, xilli 234 qof ay waqti fasax ah ku qaadanayeen hotelkaasi. Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, ka gadaal markii ay isku dayeen inay u boodaan goobo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan.
Barraha bulshada ayaa la isku la wadaagay muuqaalo muujinaya maro ka soo laadlaadsan daaqadaha, taasoo ay isticmaalayeen dadkii isku dayay inay ka baxsadaan dhismaha gubanaya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Ali Yerlikaya ayaa xaqiijiyay in 66 qof ay ku dhinteen dhacdadaasi, 51 kalena ay ku dhaawacmeen.
“Xanuunkeennu aad buu u daran yahay.” Ayuu yiri Wasiirka oo tacsi u diray qoysaska dhibaneyaasha.
Wasiirka Caafimaadka, Kemal Memisoglu ayaa sheegay in 17 qof laga saaray isbitaalka, halka qof kalena xaaladdiiisa lagu la tacaalayo qaybta xaaladaha degdegga ah.
Wasiirka Caddaaladda, Yılmaz Tunç ayaa sheegay in 12 saacadood ay qaadatay in la baqtiiyo dabka, isaga oo intaasi ku daray in afar qof la soo xiray oo uu ku jiro mulkiilihii hotelkaasi.
Masaafada u dhaxeysa hoteelka Kartalkaya iyo bartamaha Bolu, oo ay u dheer tahay jewiga qabow ee dalkaasi ayaa keentay in gaadiidka dab-demiska aanay si dhakhsa ah ku iman goobta.
Gudoomiyaha Gobolka Bolu, Abdulaziz Aydin ayaa sheegay in wararka horudhaca ah ay sheegayaan in dabka uu ka kacay qaybta maqaayadda ee dabaqa afaraad ee hotelka, uuna ku fiday dabaqyada kore.
Midowga Rugaha Injineerada iyo Dhismayaasha Turkiga (TMMOB) ayaa sheegay in marka loo eego xeerarka loo baahan yahay aanu hotelkaasi lahayn hannaanka dab-demiska amaba rusheynta tooska ah.
TMMOB ayaa sheegtay in rabay in qalabkaasi lagu xiro hotelka sanadkii 2008, laakiin aan lagu rakibin.