Dowladda Koonfurta Kuuriya ayay maanta u suurtagashay in muwaadiniinteeda qaarkood ay ka daadgureyso Caasimadda Beirut, ka dib markii Israel ay xoojisay bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah sida ay sheegtay Xisbullah.
Diyaarad ay leeyihiin militariga dalkaasi ayaa 97 qof oo Korean ah ka qaadday dalka Lubnaan, iyadoona Sabtidan dib ugu celisay dalkooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dadkan ay u badan yihiin Shaqaale Dowladeed iyo xubno ka tirsan qoysaskooda.
“Waxaa dalka Lubnaan ku haray 30 qof oo Korean ah, marka laga reebo Diblomaasiyiinta & Shaqaalaha Safaaradda oo halkaasi ku sugan.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.
Tallaabada Seoul ayaa imanaysa, xilli ay kordheen digniinaha laga bixinayo in gobolku uu qarka u saaran isku dhac ballaaran.
Dowladaha sisheeye ayaa ka baqdin qaba in uu jiitamo dagaalka Israel & Xisbullah iyo in Iran ay si toos ah ugu soo biirto dagaalkaasi.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Suk Yeol ayaa Arbacadii Saraakiisha ku amray in muwaadiniinta laga soo daadgureeyo goobaha ay colaadaha ka jiraan ee Bariga Dhexe.
Madaxweynaha ayaa kulan isugu yeeray Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed oo lagaga arrinsanayo rabshadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka.
480 Korean ah ayaa ku sugan Israel, halka 110 kalena ay howlaha shaqo u joogaan Iran.
Dowladaha shisheeye ayaa waxay ka walaacsan yihiin in weerarkii Iran ay Talaadadii ku qaadday Israel uu bilow u noqdo dagaal goboleed, waana xilli Israel ay ku hanjabtay in ay si adag uga aargudan doonto Iran, iyadoo ayna Iran wacad ku martay in ay ka bixin doonto jawaab aan la mahdin.