Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka sii socda abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada ee lagu xoreynayo deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa waxaa fagaaraha degmada lagu qabtay kulan ballaaran, oo ay ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidamada, siyaasiyiin, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kale.
Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqeynta ciidamada & shacabka iyo sidii loo dardargelin lahaa la dagaalanka Al Shabaab. Shacabka ayaa loo arkaa in doorkooda aan looga maarmi karin dagaalkan.
Masuuliyiinta ayaa dadka deegaanka ka doonaya inay gacantooda ku soo qabtaan amaba ugu yaraan ay ciidamada u soo sheegaan, kuwa gadaal ka imanaya ee isku dayaya in ay qalqalgeliyaan ammaanka.
Degmada Ceeldheer ayaa waxaa Talaadadii gaaray ciidan loogu talagalay inay xoreeyaan Degmada Galcad iyo deegaanada ku dhow dhow. Ciidamadan ayaa isugu jira cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad deegaan ahaan ka soo jeeda degmadaasi, laguna abaabulay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, waxna ka hoggaaminayay ciidamada gaaray Ceeldheer ayaa kulankii shalay galab ka sheegay in maanta ka dib loo baahan yahay in la is barto, isagoo la hadlayay dadka deegaanka.
“Reer Ceeldheerow maanta ka dib waxaa la rabaa in la is barto. Deegaankan maanta ka dib wixii ka halaabo inuu meel yeeshaa la rabaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey oo intaa raaciyay “Dad ilaashado dal iyo dad hala noqdo.”
General Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isna dadka deegaanka ku booriyay inaysan ka shakin in ciidamadu ay dib uga bixi doonaan degmadaasi, sidaasi daraadeedna ay si buuxda u garab istaagaan ciidamada.
“Waqtigan halganka la geli doono wax ka dambeeyo ma jirto oo shacab iyo dowladba waxaa loo diyaargaroobayaa in cadowga Al Shabaab la iska dhiciyo.” Ayuu yiri General Gacma-duule oo hadalkiisa ku xoojiyay “Insha’Allah waqti aan dheereen, qof walba wuxuu arki doonnaa guul uu ku farxo.”
Masuuliyiintii kale ee goobta ka hadlay ayaa sheegay in dalka uu aaday dagaal, kaas oo la isaga dulqaadayo Al Shabaab, qof kastana ay tahay inuu kaalintiisa ka qaato.
Qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka jira abaabul ciidan oo ku saabsan, sidii loo soo gacan gelin lahaa dhulka ay Shabaabku ka haystaan deegaanada Galmudug.