Xoogaga Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u diyaargaroobaya wejiga labaad ee hawlgalka ka bilaabanaya deegaanada Galmudug.
Taliyaha Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkan gaaray Magaalada Dhuusamareeb, si ay wax uga hoggaamiyaan hawlgalka.
Warbaahinta ayaa fahamsan in xoogag ka tirsan Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe uu hadda tababar uga socdo xero ku taala Dhuusamareeb, iyagoona la tababaranaya ciidamo deegaanka ah.
Xoogagan oo qaarkood sanadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb ayaa Dowladda Federaalka ka gacan siinaya la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu kulan gaar ah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe uu uga codsaday in ay ka taageeraan wejiga labaad ee hawlgalka dalka lagaga saarayo Al Shabaab.
Taliyaha oo 30-kii bishii January Xarunta Taliska ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka helay ballanqaad ah inaysan garabkooda cidleen doonin.
Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa taageeradooda ku bedelan doona in dib loo soo nooleeyo doorkoodii siyaasadeed ee Galmudug, oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay meesha ka saartay sanadkii 2020, dalkana ay isaga taggeen saraakiishaasi.
Saraakiisha Ahlu Sunna ayaase bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay bartamaha dalka, iyagoona wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay deegaanka Bohol oo 25km dhanka waqooyi kaga beegan Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
General Cabdiqaadir Xaaji Diiriye (Hanbacoor) oo muddooyinkan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay u diyaargaroobeen hawlgalka ciribtirka Shabaab.
“Sida xogta aan ku hayo waa in Khawaarijta laga dabarjaro gobolka iyo Somaliya oo dhan.” Ayuu yiri General Cabdiqaadir Xaaji Diiriye oo ka hadlayay kulan lagu soo dhaweynayay General Laba Afle iyo saraakiishii uu hoggaaminayay ee gaaray Dhuusamareeb.
“Hawlgalka inay raggan hormuud u noqdaan aad ayaan u soo dhaweynaynaa, waan idiin la qaadanay, waan idiin la qaadanay, waana idiin la qaadan doonnaa.” Ayuu yiri sarkaalkan oo si dhow loola xiriiriyo Madaxda Ahlu Sunna.
General Hanbacoor ayaa door weyn ku lahaa muddadii dhowrka iyo tobanka sano ahayd ee ay Ahlu Sunna ka arrimineysay deegaanada Galmudug.
General Hanbacoor ayaa xubin ka ahaa macalimiintii laf dhabarta u ahayd tababarka Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca ee uu hoggaamiyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.
Jananka ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
General Hanbacoor iyo janaraalo uu ka mid ahaa Allaha u naxariistee General Maxamed Nuur Galaal ayaa la xusuustaa in ay Ahlu Sunna kala shaqeeyeen in ay gacan adag ku qabato amniga deegaanadii ay maamuleysay.
Dhanka kale xoogag ku tababartay xeryihii Ahlu Sunna oo ku sugan Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa mar sii horreysay la gaarsiiyay hub iyo rasaas. Xoogagan ayaa qayb ka noqon doona hawlgalka la isugu furayo waddooyinka deegaanada.
General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoogagaasi u doortay waa inay ku wanaagsan yihiin dagaalka Al Shabaab.
Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ka faa’iideysan doona doorashada soo socota ee Galmudug, haddii labada dhinac aanu midkoodna ka bixin, wixii ay ku heshiiyeen.