Home Wararka Caalamka Ahmadinejad oo mar kale isu soo sharaxay xilka madaxtinimada Iran iyo caqabadda ku horgudban

Ahmadinejad oo mar kale isu soo sharaxay xilka madaxtinimada Iran iyo caqabadda ku horgudban

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad ayaa mar kale isu soo sharaxay jegada madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib geeridii Madaxweyne Ebrahim Raisi oo 20-kii bishii May la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi.

Raisi oo 63 jir ahaa ayaa xilligii uu shilka gelayay ku sii jeeday Caasimadda Tehran, markaas oo uu ka soo laabtay daahfurka biyo xireen laga hirgeliyay gobolka bari ee Azerbaijan ee ku yaala xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Azerbaijan.

Mahmoud Ahmadinejad ayaa isu diiwaangeliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhaceysa 28-ka bishan June, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iran.

Madaxweynihii hore ee Iran iyo musharaxiin kale ayaa maanta iska diiwaangeliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maalin ka hor inta aysan dhammaan xilliga la muddeeyay in la is diiwaangeliyo.

Siyaasigan oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu dhageysan doono baaqa shacabka ee dalka oo dhan, isla-markaana uu ku kalsoon yahay inuu xalin karo arrimaha gudaha iyo dibadda ee Iran.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu kaga falcelin doono, haddii tartanka doorashada laga reebo ayuu Saxafiyiinta uga cudurdaartay inaysan weydiin su’aalo siyaasadeed.

Golaha Ilaalada Kacaanka Iran ayaa lagu wadaa in 11-ka bishan ay soo saaraan liiska magacyada musharaxiinta u tartameysa xafiiska.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ahna Madaxa Golaha Ilaalada Kacaanka ayaa la sheegaya in ay isku shaandheyn ku samayn doonaan musharaxiinta, ka hor inta aan la soo saarin liiska ugu dambeeya ee musharaxiinta tartameysa.

Golaha ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadada ah ay bilaabaan isku shaandheynta musharaxiinta, taas oo socon doonto muddo lix cisho ah, ka dibna ay 11-ka bishan ku dhawaaqi doonaan liiska musharaxiinta la ansixiyay. Bulshada qaybteed ayaa ka walaacsan in Madaxweynihii hore mar kale laga reebo tartanka.

Golaha Ilaalada Kacaanka ayaa Ahmadinejad sanadkii 2017 ka mamnuucay in uu ka qaybgalo doorashadii xilligaasi ka qabsoomtay dalkaasi ee dib loogu soo doortay Ex Madaxweyne Hassan Rouhani.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Hoggaamiyaha ruuxiga ah, Ayatollah Ali Khamenei uu uga digay in jegadaasi uu u tartamo, maadaama sida uu sheegay aysan ahayn mid isaga iyo dalkaba dani ugu jirto.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa u muuqday mid ka carooday hadal ka soo yeeray Ahmadinejad, uuna ku sheegayay in la hubiyo doorka awoodda ugu dambeysa ee ninkaasi.

Ahmadinejad ayaa sanadkii xigay ee 2018 ku baaqay in doorashada dalka ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Ahmadinejad ayaa dalkaasi maamulayay, intii u dhaxeysay sanadihii 2005 illaa 2013, ka dib markii uu dhameystay labadii xilli doorasho ee la doortay.

Dastuurka Iran ayaa qeexaya in haddii uu geeriyoodo Madaxweynaha in booskiisa uu buuxinayo Madaxweyne Kuxigeenka 1aad, illaa iyo inta laga qabanayo doorasho madaxtinimo, muddo 50 maalmood gudahood.

Mohammad Mokhber oo hadda ahaa Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa si ku-meel-gaarka ah u sii wadi doono howlaha qaranka, illaa iyo inta laga soo dooranayo Madaxweynaha xigga.

Doorka Madaxweynaha ayaa ah u hoggaansanaanta Hoggaamiyaha ugu sarreya Iran ee dhinaca diinta, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo haya arrimaha ugu dambeeya ee dalka.

Geerida Madaxweyne Raisi ayaa timid, xilli ay xiisad weyn ka jirto Bariga Dhexe. Xiisadda gobolka ayaa xudun u ah duulaanka ay Israel ku hayso Marinka Gaza, kaas oo abuuray carro caalami ah.

Iran ayay xurguf kala dhaxeysaa Israel iyo taageeraheeda ugu weyn ee Mareykanka, iyadoona ay Israel u aragto cadowgeeda ugu weyn ee gobolka.

Iran ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc