Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Militariga iyo Macawiisleyda ayaa dhowr jiho ka weeraray degmadaasi, iyagoona dagaal aan xooganeyn maleeshiyada Al Shabaab kula galay bannaanadeeda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa waxay sheegeen inaanu wax dagaal ahi ka dhicin gudaha degmada.
Dhammaanba dadkii deganaa ayaa la sheegay in ay isaga barakaceen degmadaasi, ka dib markii Shabaabku ay horey ugu amreen inay banneeyaan.
Amarka ay Al Shabaab ku barakacisay dadka deegaanka ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii muddooyinkii u dambeeyay ay kordheen weerarada xagga cirka ah ee maleeshiyada loogu gaysanayay bartilmaameedyadoodii degmadaasi.
Korneyl Cabdiqaadir Nuur Xasan (Qoondhe) oo ka mid ah Saraakiisha Militariga ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa shacabka ugu baaqay inay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Korneyl Qoondhe oo Warbaahinta kula hadlay degmadaasi ayaa tilmaamay in ciidamadu aysan ku hakan doonin Ruunirgood, isla-markaana ay socon doonaan illaa Gobolka Galgaduud.
“Ruunirgood maku ekaanaynee waan sii soconaynaa, Galgaduud ayaana hadda ku xigto. Degmadan waa degmadii geeska ugu xigtay Gobolka Shabellaha Dhexe, illaa Galgaduud-na waan sii soconaynaa. Cadowga meel kasta uu joogo waan ka daba gelaynaa.” Ayuu yiri Korneyl Qoondhe.
Ruunirgood ayaa ku taala meel ku dhow xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyadoona dhanka bari xad kala leh Degmada Ceeldheer.