Maleeshiyada Al Shabaab ayaa lala xiriirinaya fal afduub oo subaxnimadii Isniintan ka dhacay xadka ay wadaagaan Somaliya iyo Kenya.
Shan sarkaal oo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa dhexda laga afduubtay, xilli ay ka ambabaxeen deegaanka Wargaduud, kuna sii jeedeen deegaanka Elwak oo hoostaga Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wargaduud ayaa qiyaastii 42km dhinaca waqooyi kaga beegan Ceelwaaq Kenya, taas oo saaran waddada aadda Mandhera.
Taliyaha Booliska ee Koonfurta Mandhera, Julius Njeru ayaa sheegay in saraakiisha la qafaashay ay ahaayeen shan maamule (Chiefs). Chiefs-ku waa maamuleyaal hoose oo ay magacawdo dowladda dalkaasi, kana tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Saraakiishan ayay shaqadoodu tahay ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, isku xirka howlaha amniga iyo kormeerka barnaamijyada dowladda ee heerka hoose.
Saraakiisha ayaa ku guda jiray inay gutaan waajibaadkooda shaqo, xilligii la afduubanayay, sida uu xaqiijiyay Julius Njeru.
Wararka ayaa sheegaya inaanan la garaneyn halka lala aaday saraakiishaasi, waxaase loo maleynaya in loola soo tallaabay gudaha Somaliya.
Kenya ayaa sare u qaadday heerka feejignaanta ee ciidamadeeda ku sugan xuduudda iyo Ismaamulka Mandhera.
Ciidamada Kenya ayaa wada dadaalo lagu baadigoobayo saraakiishaasi, si loo soo samatabixiyo.
Tani ayaa walaac xoogan oo amni ka abuurtay xuduudda, waxayna calaamad u tahay in Shabaabku ay weli weerar iyo afduub-ba ka gaysan karaan gudaha Kenya.
Shabaab ayaa muddo dheer weeraro ka gaysanayay dalkaasi, si Xukuumadda Nairobi ay culeys ugu saaraan in ciidamadeeda kala baxdo Somaliya. Ciidanka Difaaca Kenya ayaa qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka.
Shabaabka ayaa marar badan hawlgalo afduub ka fuliyay dalkaasi, iyagoo ka jawaabaya ciidamada ay Nairobi sanadkii 2011 u soo dirtay dalka.
Hoggaanka Al Shabaab ayaa horey wacad ugu maray inaysan Kenya nabadgelyo heli doonin, inta ciidamadeeda ku sugan yihiin dalka.
Afduubkan ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne William Ruto uu qorsheynayo socdaal uu maalmaha ina soo aaddan ku tago Gobolka Soomaalida Kenya.