Tallaabada ay Al Shabaab kula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay calaamad u tahay inay weli sii wadaan culeyska ay bil ka hor soo saareen deegaanada dhaca bariga gobolkaasi ee ku jiray gacanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa bishii hore ee February bilaabay inay soo kubaareeyaan gobolkaasi, waana xilli Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Shabaabka ayaa 20-kii February gobolkaasi soo geliyay maleeshiyaad kooxo kooxo u socda, kuwaa oo qalqal amni ka abuuray deegaanadii nabdoonaa ee horey looga saaray. Weeraradan ayaana caqabad ku noqday gulufkii la filayay in lagu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta qaranka iyo tan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in weerarada ay ku hayaan deegaanada qaar ee Hirshabelle ay u arkaan, sida keliya ee ay ku hakin karaan hawlgalka la doonayo in lagaga saaro dhulka ay ka arrimiyaan ee labada gobol ee Hirshabelle.
Shabaabka ayaa Arbacadii dagaal culus kula wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo laga saaray bishii October ee sanadkii 2022.
Shabaabka ayaa soo qaaday weerarkan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Degmada Cadale u joogay abaabulka iyo hawlgalka gobolka looga saarayo maleeshiyadaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galab ku laabtay Magaalada Muqdisho, maalin uun ka dib, markii uu u soo ambabaxay jiidaha hore ee Hirshabelle, si uu u xoojiyo la dagaalanka Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisuba ayay fadeexad weyn ku noqotay in ciidamadu ay lumiyaan Masaajid Cali Gaduud, xilli la filayay in ciidamadu ay horumar ka samayn doonaan hawlgalka ay dhawaan dib uga bilaabeen gobolkaasi, ka dib markii Shabaabku ay dagaalka u soo rareen deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.
Shabaabka ayaa tan iyo markii ay ku soo fideen bariga gobolkaasi la wareegay illaa toban deegaan, kuwaas oo dhammaantood looga saaray wejigii koowaad ee hawlgalka.
Weerarada Shabaabka iyo is fiditaankooda ayaa walaac amni ka abuuray gobolkaasi, waxayna shacabku la anfariirsan yihiin, sida ay wax u socdaan oo aan jawaab loo hayn.
Dad badani ayaa waxaa la yaab gelisay in iyadoo dowladdu ay Gobolka Shabellaha Dhexe gaysay ciidamadii ugu badnaa ee gobol u daabusho, intii dagaalka lagu la jiray Al Shabaab ay haddana ka libin keeni la’yihiin dagaalka.
Shabaabka ayaa furinta dagaal ee ay bariga gobolkaasi ka fureen ku doonaya, inay ku difaacdaan daantiisa galbeed oo muddo dheer ay maamulayeen.