Home Wararka Maanta Al Shabaab oo weerar culus ku ekeysay Degmada Awdheegle

Al Shabaab oo weerar culus ku ekeysay Degmada Awdheegle

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar culus ku qaadday Degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay weerar ku ekeeyeen Xerada Ciidanka Kumaandooska Gorgor ay ku leeyihiin degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jug weyn, ka dibna uu xigay dagaal toos ah, kaas oo weli ka socdo aagga fariisimaha ciidamada.

Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha ayaa ku warantay in maleeshiyadooda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, laakiin ma jirto cid ka madaxbannaan oo xaqiijin karta.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xabadda ay si xoog leh uga socoto magaalada, isla-markaana aysan tagi karin goobta uu dagaalku ka socdo oo aag ciidan ah.

Xaaladda degmada ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka rayidka ahna ay ka walaacsan yihiin xaaladda ka taagan degmadaasi.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalku uu gaystay, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada dhimashada iyo dhaawaca, bacdamaa dagaalku uu weli socdo.

Shabaabka ayaa Awdheegle laga saaray bishii August ee sanadkii 2019, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore ay sidaan oo kale u soo weerareen degmadaasi.

Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo Shabaabku uu haatan cadaadis xoog leh oo militari uu ka haysto Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc