Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa Israel ku eedeysay inay bixineyso awaamiir ay dadka rayidka ah ee reer Lubnaan uga barakacineyso guryahooda, iyadoo aan siineyn badbaado amaba goobo nabdoon oo ay guryahooda iyo deegaanadooda uga baxaan.
Hay’addu waxay dhalleeceysay awaamiirta daadgureynta Israel, oo ay ku tilmaamtay mid lagu marin habaabinayo dadka rayidka ah.
“Waa mid marin habaabin ah oo aan ku filneyn dadka rayidka ah.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Hay’adda Amnesty International.
Amnesty International ayaa sheegtay in Israel ay ku guuldareysatay inay shacabka siiso waddo ay ku doortaan inay barakacaan.
“Digniinaha ay Israel u jeedineyso dadka rayidka ah ma siinayaan ikhtiyaar wax ku ool ah oo lagu daadgureeyo.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in tani ay calaamad u tahay khatar dhab ah oo dadka rayidka ah ugu jiraan inay ku waxyeeloobaan ololaha militari ee Israel ka waddo dalkaasi.
Hay’adda Amnesty International waxay xaqiijisay in baaritaanada ay sameysay ay ku ogaatay in Israel ay dadka rayidka ah ee degan koonfurta Magaalada Beirut iyo koonfurta Lubnaan ay fartay inay ka barakacaan guryahooda, hase ahaatee aysan siinin macluumaad muhiim ah, sida waddooyin ammaan ah iyo meelaha kale ee ay rayidku badbaadada u doonan karaan.
Hay’addu waxay sheegtay in dadka nugul, sida naafada, dadka da’da ah iyo carruurta ay tahay in la hubiyo inay si nabad ah u barakacaan, haddii dalka oo dhan ay xaalad dagaal ah gelisay.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Agnes Callamard ayaa walaac ka muujisay halista ay wajahayaan dadka rayidka ah.
Agnes Callamard ayaa sheegeysa in Israel ay u baahan tahay inay xaqiijiso in aysan ciidamadeedu waxyeelo u gaysan shacabka Lubnaan.
Dad badan oo isku dayayay inay ka cararaan guryahooda ayay duqeeyeen diyaaradahaha dagaalka Israel, intii ay raadsanayeen goobo ka durugsan meelihii lagu amray inay banneeyaan.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa bilowgii toddobaadka dhalleeceysay qaabka ay Israel u waddo hawlgalka ay kula dagaalameyso Xisbullah, iyadoona uga digtay xasuuq ay ka gaysato dalkaasi.
Human Rights Watch waxay sheegtay in weerarada xagga cirka ee Israel ay qoysas fara-badan ku khasbeen inay ku go’doomaan guryahooda, halkaasina ay u badan tahay inaysan ku badbaadin.
Dowladda Lubnaan ayaa marar badan cambaareysay weerarada ay Israel ka waddo dalkaasi, iyadoona ku sheegtay mid aan kala sooc lahayn.
Iyadoo Israel ay ku andacooneyso inay dagaal kula jirto Xisbullah ayaa waxaa haddana muuqato in rayidku ay yihiin dhibaneyaasha dagaalka, marka loo eego inaysan wax taxadar ah ka muujineyn badbaadadooda.