Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ugu baaqay Israel inay ka laabato sharciyada cusub ee lagu mamnuucayo shaqada Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Xoghayaha ayaa Isniintii warqad uu u qoray Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Danny Danon kaga codsaday in dowladdiisu ay ka laabato sharciyadan, oo lagu wado in toddobaadkan la dhaqangeliyo.
Xoghayaha ayaa warqadda ku sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankan, maadaama aysan xilligan jirin hay’ad kale oo bedeli karta shaqada Hay’adda UNRWA.
Xoghaye Guterres ayaa sheegay in UNRWA ay tahay hay’ad aan la bedeli karin, marka aad eegto howlaha baaxadda leh ee ay u hayso Falastiiniyiinta iyo iyadoo aysan jirin hay’ad kale oo u diyaarsan in shaqadaasi ay qabato.
“Ma jirto hay’ad kale oo awood u leh amaba u igman in ay qabato shaqadeeda.” Ayuu Guterres ku sheegay warqadda uu u diray Safiirka, taas oo Warbaahinta ay heshay.
Xildhibaanada Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa 28-kii bishii October ansixiyay laba sharci, oo asal ahaan mamnuuc ka dhigaya in Hay’adda UNRWA ay ka sii shaqeyso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.
Israel ayaa bishii January ee sanadkii hore sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023, iyadoo aan soo bandhigin wax caddeymo ah. Israel ayaa sidoo kale waxay bartamihii sanadkii hore ay sheegtay in dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin shaqaalaheeda.
Hay’addan ayaa lagu aasaasay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, si ay u bixiso adeegyada bani’aadantinimo iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, sida inay waxbarashada iyo daryeelka caafimaad siiso shacabka Falastiin, illaa xal siyaasadeed laga gaarayo.
Sharciyadan cusub ee Israel ku mamnuuceyso UNRWA ayuu qorshuhu yahay in Tel Aviv ay dhaqangeliso Khamiista berrito ah, waxayna tani sare u qaadi doontaa rajada xumada in muddo ahba ka jirtay dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, iyadoo 19-kii bishan ay xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Gaza, lana kordhiyay kaalmada bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka reer Gaza. Waxay sidoo kale ku soo aadaysaa, xilli Ciidamada Israel ay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.