Home Wararka Caalamka António Guterres oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Xuuthiyiinta iyo Israel

António Guterres oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Xuuthiyiinta iyo Israel

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in uu ka xun yahay weerarada sii kordhaya ee u dhaxeeya Ururka Xuuthiyiinta iyo Maamulka Israel.

“Waxaan ka xumahay xiisadda u dhaxeysa Yemen iyo Israel, waxaana ka walaacsanahay khatarta sii kordheysa ee gobolka.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa wax laga naxo ku tilmaamay weerarada Israel ee ka dhanka ah kaabeyaasha dhaqaalaha Yemen, oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha Sanca iyo dekedaha dalkaasi ee saaran Badda Cas.

Xoghaye Guterres ayaa sheegay in dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymahaasi, daraasiin kalena ay ku dhaawacmeen.

Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in isku dhacyada sii kordhaya ay khatar ku yihiin nolosha dadka rayidka ah, xasilloonida gobolka iyo xorriyadda socdaalka badda.

Mr. Guterres ayaa dhinacyada ugu baaqay inay joojiyaan ficilada militari, isla-markaana ay muujiyaan xakameynta ugu badan.

“Waxaan ku celinayaa baaqayga dhammaan dhinacyada inay joojiyaan ficilada militari oo ay muujiyaan xakameynta ugu badan.” Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa yiri “Waa in la ixtiraamaa sharciga caalamiga ah. Dadka rayidka ah iyo shaqaalaha bani’aadantinimada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan.”

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa billihii u dambeeyay si toos ah gantaaladooda ugu weerarayay gudaha Israel, iyagoo maamulkaasi ku cadaadinaya in ay joojiyaan xasuuqa ay ciidamadooda ka gaysanayaan Marinka Gaza, ka dib muddo ay beegsanayeen maraakiibta ku sii jeedda dekedahooda.

Israel ayaa daba-yaaqadii bishii July bilowday inay bartilmaameedsato kaabeyaasha rayidka ee dalkaasi Yemen. 8-dii maalmood ee la soo dhaafay ayayna weeraradii ugu badnaa ka gaysatay dalkaasi, waxaana ku dhintay ku dhawaad 20 qof, halka illaa 60 kalena lagu dhaawacay.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ugu hanjabay inuu kordhin doono weerarada ka dhanka ah.

Kororka weerarada labada dhinac ayaa sii hurinaya xiisadda muddada shan iyo tobanka bilood ah ee ka jirta Bariga Dhexe. Xiisaddan ayaa ka dhalatay weerarada nafaha badan galaafanaya ee ay Israel ku beegsaneyso Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc