Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa meelmariyay hindise sharciyeed sharci ka dhigaya inaanan la dhisi karin dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta amaba dowlad ka barbar dhalata Israel.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codkooda ku taageeray, sida ay xukuumadda uga soo horjeeddo dhismaha Dowladda Falastiin, taas oo ay u arkaan mid khatar ku ah amniga Israel.
Qaraarka ayaa taageeraya in Israel ay sii haysan doonto dhulka laga haysto Falastiiniyiinta, iyagoona joogitaankooda dhulkaasi ku sheegay mid ku jirto danta amnigooda, ayna yareynayso waxa ay ku sheegeen khatar jirta.
Tani ayaa imanaysa dhowr cisho uun ka hor booqashada uu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu toddobaadka soo socdo ku tagayo dalka Mareykanka.
Tallaabadan ayaa waxaa Khamiistan cambaareeyay Falastiiniyiinta iyo dowlado kale, kuwaa oo ka walaacsan xalaaleysiga sharci darrada ah ee Israel.
Dowladda Faransiiska oo kale war ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Paris ay aad uga naxsan tahay qaraarkan, isla-markaana uu khilaafsan yahay go’aamadii uu qaatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Netanyahu ayaa horey wacad ugu maray in muddada uu joogo xafiiska aanu marnaba ogolaan doonin dhismaha dowlad deris la ah Israel.
Bishii January, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa si kulul u cambaareeyay war xilligaasi ka soo yeeray Netanyahu, kuna sheegayay inaysan aqbali doonin in la yegleelo Dowladda Falastiin.
Josep Borrell ayaa 22-kii bishaasi ku nuuxnuuxsaday in qaabka ay Israel u wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas uu yahay mid abuuraya sida uu yiri naceyb jiilalka soo socda ah.
Borrell ayaa carabka ku adkeeyay in xalka laba dowladood oo deris ah looga gudbi karo colaadda muddada dheer ka dhex taagan Israel iyo Falastiiniyiinta.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dhawaan ku baaqay in dalalka caalamka ay taageeraan in la helo xalka laba dowladood oo nabad ku wada nool.
Guterres ayaa dunida ku booriyay in la jebiyo gidaarka ay Israel ku horgudubtay rajada bulshada caalamka, si ficil loogu bedelana ay tahay in la soo afjaro colaadda 75-kii sano ee ugu dambeysay ka jirtay Bariga Dhexe.
Qiyaastii 150 ka mid ah dalalka caalamka, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kuwa reer galbeedka ayaa horey u aqoonsaday Dowladda Falastiin.
Dalalka gobolka iyo kuwa reer Yurub qaarkood ayaa u ololeynaya in dowladda ay yeelanayaan shacabka Falastiiniyiinta laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.
Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa xoojiyay qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta ee masraxa caalamiga ah, iyadoona Israel ay tobanaan sano hortaagneyd inuu meelmaro qorshaha ay shacabka Falastiiniyiinta ku doonayaan inay noqdaan dowlad la aqoonsan yahay, xubina ka ah Qaramada Midoobey.