Dowladda Australia ayaa askariyad iyo ninkeeda u xirtay falal basaasnimo, ka dib markii lagu eedeeyay inay u basaasayeen dalka Ruushka.
Lamaanahaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Ruushka, balse waxay sidoo kale haysteen basaboorka Australia.
Hay’adaha ammaanka ayaa laamanahaan ku soo oogay in ay ku howlanaayeen falal basaasnimo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Australia, Reece Kershaw oo uu garabtaagnaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, Mike Burgess ayaa Jimcahan Warbaahinta u sheegay in haweeneyda ka tirsan ciidamada ay dooneysay inay hesho xogta agab difaac, si xogtaasi ugu gudbiso Ruushka.
“Lamaahaan oo haysta dhalashada Australia waxay ka shaqeynayeen inay helaan waxyaabo la xiriira amniga qaranka.” Ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Canberra ayaa yiri “Waxaan ku eedaynaynaa inay raadiyeen xogtaas, iyagoo ujeedadoodu tahay inay siiyaan masuuliyiinta Ruushka.”
Reece Kershaw, Taliyaha Booliska Australia ayaa tilmaamay in haweeneydan ay u safartay Ruushka, ayna ku amartay saygeeda oo jooga Australia in uu galo akoonkeeda xafiiska ama shaqada, si ay u hesho macluumaadka agabka difaaca.
Inkastoo Taliyuhu uusan sheegin nooca agab ee ay haweeneydaasi dooneysay inay xogtiisa basaasto, haddana waxa uu sheegay inay diiradda saarayaan, haddii la dusiyay macluumaadka la xiriira iyo in kale.
Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese ayaa cid kasta uga digay inay ku kacdo falal liddi ku ah amniga qaranka.
“Dadka farageliya danaha qaranka waa lala xisaabtami doonnaa, waana sida saxda ah waxa xiritaankani uu metelo.” Ayuu Raysal Wasaaruhu u sheegay Wariyeyaasha, inkastoo uu diiday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo kiiskan oo uu sheegay inuu horyaallo maxkamadda.
Igor iyo Kira Korolev ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Darajada 1aad ee Magaalada Brisbane, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalintuna uu sheegay in mid kasta loo haysto inay isku diyaarinayeen dembi basaasnimo.
Maxkamadda ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo, illaa 20-ka bisha September, markaas oo la qaban doono fadhiga xigga ee lagu dhageysanayo eedeymaha loo haysto.
Haddii lagu helo falalka basaasnimo ee lagu soo eedeeyay ayay mudan karaan min 15 sano oo xarig ah. Kira Korolev waa 40 jir, iyadoona Igor uu 62 jir yahay.
Lamaanahaan ayaa Australia ku noollaa in ka badan 10 sano, iyadoo haweeneydu ay sharciga dalkaasi heshay sanadkii 2016, halka saygeedana la siiyay sanadkii 2020.
Waa kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee hoos yimaada sharciga cusub ee la soo bandhigay sanadkii 2018.