Home Dhacdooyin Awaamiir cusub oo lagu soo rogay Magaalada Baydhabo

Awaamiir cusub oo lagu soo rogay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay awaamiir lagu xoojinayo dadaalada lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Baydhabo, ka dib kulan maanta ka dhacay magaaladaasi.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo shir guddoomiyay kulankaasi ayaa daarnaa, sidii ay ciidamada amnigu u laba laabi lahaayeen howlahooda sugidda amniga.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiisha hay’adaha ammaanka, waxaana lagu gorfeeyay, sidii looga hortagi lahaa weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

Kulankan ayaa ugu dambayn laga soo saaray qodobo dhowr ah, oo qaarkood ay khuseeyaan laamaha amniga, si ay gacan bir ah ugu qabtaan amniga magaalada.

Qodobada kale ee saameynaya amaba taabanaya shacabka ayaa waxaa ka mid ah in gebi ahaanba aan Baydhabo lagu dhex adeegsan karin mooto Fekon, maadaama la aaminsan yahay in magaalada looga gaysto falal amni darro.

Sidoo kale waxaa ka mid ah inaanan gawaarida lagu dhex kaxeysan karin magaaada, xilliyada dambe ee habeenkii.

Ujeedada loo xakameynayo dhaqdhaqaaqa gawaarida ayaa lagu sheegay, si feejignaan badan looga muujiyo, isla-markaana looga hortago weerarada Al Shabaab ka gaysan karto magaalada.

Awaamiirta ayaa waxaa ku xusan in cid kasta oo la arko, iyadoo baabuur ku dhex wadata magaalada ujeedo la’aan la horgayn doono sharciga, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Baydhabo ayaa sanado ka hor laga mammuucay inaanay ka shaqayn karin mooto bajaajta, laga bilaabo 7-da fiidnimo illaa 6-da subaxnimo.

Bajaajta ayaa ah gaadiidka ugu muhiimsan ee maanta loogu isticmaalka badan yahay Baydhabo, iyadoo bedeshay baabuurtii BL-ka ee muddada dheer ka rakaabsan jiray magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc