Home Wararka Maanta Axmed Silaanyo oo ku geeriyooday Hargeysa iyo Isniinta oo la aasi doono

Axmed Silaanyo oo ku geeriyooday Hargeysa iyo Isniinta oo la aasi doono

by Laacib

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii xilka ku wareejiyay.

Madaxweyne Biixi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddi loo saari doono qaban-qaabada aaska marxuumka, isla-markaana Isniinta la aasi doono.

“Haddii Alle yiraahdo aaska wuxuu noqon doonnaa Isniinta. Guddi heer qaran ayaa loo saari doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Axmed Siilaanyo, oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladdii Kacaanka iyo middii rayidka ee Somaliya.

Axmed Siilaanyo oo noqday Madaxweynihi 4aad ee Somaliland ayaa muddo toddobo sano ah xukumayay Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa Magaalada Hargeysa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc