Home Wararka Caalamka Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay inaanan laga adkaan doonin Xamaas

Ayatollah Ali Khamenei oo sheegay inaanan laga adkaan doonin Xamaas

by Laacib

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Xamaas aysan burburi doonin, ka dib dilkii ay Israel u gaysatay Yahya Sinwar.

Hoggaamiyaha ugu sarreya dhinaca diinta ee Iran ayaa sheegay in Xamaas ay sii jiri doonto, ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Israel, iyadoo ayna Iran tahay dalka keliya ee taageerada tooska ah siiya ururkaasi.

Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in inkastoo geerida Yahya Sinwar ay Xamaas uga dhigan tahay mid xanuun badan, haddana aysan geeridiisa noqon doonin dhammaadka ururkaasi.

“Waa hubaal in geeridiisa ay iska caabinta uga dhigan tahay mid xanuun badan, laakiin gebi ahaanba kuma dhammaan doonto shahiidnimada Sinwar.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Warkiisa ayaa jawaab u ah hadalkii ka soo yeeray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku aaddanaa in geerida Sinwar ay bilow u noqon doonto burburka Xamaas.

“Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas waa mid nool, wayna sii noolaan doonaan.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

“Sinwar wuxuu ahaa sawirka ifaya ee iska caabinta iyo halganka.” Ayuu Khamenei ka sheegay hadalkiisii ugu horreyay ee ku saabsan geerida Sinwar.

Khamenei ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay “Sinwar wuxuu si aan gambasho lahayn uu uga hortegay cadowga arxanka daran, dharbaaxo ayuuna si dhiranaan leh uu ugu dhuftay.”

Madaxda Israel ayaa dilka Sinwar ku macneeyay mid guul u ah shacabka Israel, ka dib markii ay sheegeen inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii hore lagu qaaday Israel, laguna dilay 1,200 Israeliyiin ah. Weerarkan ayaa lagu sheegay kiisii ugu khasaaaraha badnaa ee ay la kulmaan Israeliyiinta, ka dib dagaalkii labaad ee adduunka.

“Sinwar waxa uu ka tegay dharbaaxadii aan laga soo kaban karin ee 7-dii October, oo ah dhaxalka uu u leeyahay taariikhda gobolkan, ka dibna wuxuu si sharaf leh u kiciyay shuhadada.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran.

Yahya Sinwar ayaa hadda ahaa ninka ay Israel ugu doonista badan tahay, wuxuuna la wareegay Hoggaaminta Ururka Xamaas, ka dib dilkii 31-kii bishii July Hoggaamiyahoodii Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran.

Sinwar ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada gaabnaa ee soo mara Ururka Xamaas, inkastoo uu sanado badan ku magacawnaa Gudoomiyaha Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin waa dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee gobanimo doon ee halganka ugu jira xoreynta dadka Falastiiniyiinta iyo dhulkooda xoogga lagu haysto.

Xamaas ayaa sidoo kale u taagan xoojinta qaddiyadda qaranimada ee Falastiin, waana Xamaas oo dunida tustay in Israel ay tahay dowlad leysa dumarka iyo dhallaanka.

Dagaalka 13-ka bilood ee xiriir ah ka socdo Marinka Gaza ayaa sare u qaaday qaddiyadda qaranimada ee reer Falastiin, iyadoona ay soo badanayaan dowladaha u ololeynaya xaqa iyo xuquuqda ay shacabkaasi u leeyihiin inay yeeshaan dowlad xubin rasmi ah ka ah Qaramada Midoobey.

Dagaalkan ayaa si aan horey loo arag u suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida, ka dib markii si naxariis darro ah ay u leysay in ka badan 42,500 oo qof oo dad rayid ah iyo dhaawaca 99,637 kale. Dhibaneyaasha ayaa u badan dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc