Home Wararka Caalamka Ayatollah Ali Sistani oo ka digay khatar ku soo fool leh Bariga Dhexe

Ayatollah Ali Sistani oo ka digay khatar ku soo fool leh Bariga Dhexe

by Laacib

Wadaadka ugu sarreya Shiicada Ciraaq ayaa ka digay khatar ku soo fool leh Bariga Dhexe, ka dib dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran iyo weerarada ay Israel sii waddo.

Ayatollah Ali Sistani ayaa ka digay cawaaqib xun oo gobolka oo dhan ah, marka aad eegto carrada ka dhalatay dilkii Ismail Haniyeh iyo kororka weerarada Israel.

Ayatollah Ali Sistani ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro weerarada waxashnimada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, si gobolka looga badbaadiyo dagaal ballaaran.

Wadaadka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay dhacdooyin badan oo xasuuq ah ka gaysteen Marika Gaza, muddadii tobanka bilood ahayd ee dagaalkan uu socday.

Ayatollah Ali Sistani ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay weerarkii xagga cirka ee ay Israel Sabtidii ka gaysatay Dugsiga Al-Tabin (Al-Taba’een) ee Gaza, ayna ku dhinteen in ka badan 100 qof oo dad rayid ah, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ciidanka gumeystaha Israel waxay mar kale gaysteen xasuuq aad u weyn.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Sistani.

Waxa uu sheegay in dembiyada is daba jooga ah ee ay Israel gaysaneyso ay gobolka ku sii dhaweynayaan sida uu yiri isku dhacyo waaweyn, oo cawaaqib ba’an ku yeelan kara guud ahaanba gobolka.

Sistani ayaa ka digay masiibo ka dhici karta gobolka, haddii aan gacmaha la qaban Israel, oo iyadu sii waddo xadgudubyadeeda ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.

“Waxaan mar labaad caalamka ugu baaqaynaa inay ka hortaggaan waxashnimadan xun.” Ayuu yiri Sistani oo adkeeyay digniintiisa ah cawaaqibka xun ee ay ku yeelaneyso gobolka.

Dhanka kale Taliska Ilaalada Kacaan Iran ayaa lagu wadaa inay fuliyaan amar ka soo baxay Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo la sheegay inuu amar ku bixiyay in si adag loogu ciqaabo Israel dilkii ay 31-kii bishii July u gaysatay Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas oo lagu dilay Caasimadda Tehran.

Taliye Kuxigeenka Ilaalada Kacaanka Iran, General Ali Fadavi ayaa sheegay in aargoosiga Iran ee ka dhanka ah Israel uu yahay mid cad, waxaana loo fulin doonnaa buu yiri sida ugu wanaagsan.

General Ali Fadavi ayaa Warbaahinta maxaliga u sheegay in dhiigga Ismail Haniyeh ee dhulkooda lagu daadiyay aanu noqon doonin mid bilaa jawaab ah. Jananku ma sheegin goorta ay fulin doonaan weerarka ay kaga aargudanayaan Israel.

Israel ayaan sheegan masuuliyadda dilkaasi, balse saraakiisha reer galbeedka ayaa laga soo xigtay in Sirdoonka Israel uu ka dambeeyay shirqoolkii lagu dilay ninkaasi.

Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka ayaa la sheegaya in ay isku diyaarinayaan weerar ka dhan ah Israel.

Waxaa jira walaac caalami ah oo laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza uu isku bedelo mid gobolka oo dhan ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc