Home Wararka Maanta Baaritaanka dilka Taliyihii Guutada 14-ka October oo bilowday

Baaritaanka dilka Taliyihii Guutada 14-ka October oo bilowday

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay bilowday baaritaanka la xiriira dilka Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) ee maanta loogu gaystay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo askari kale oo lala dilay iyo ninkii dilayba in meydadkooda loo soo qaaday Caasimadda Muqdisho, si baaritaan loogu sameeyo, ka hor inta aan la aasin.

Taliyaha ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Cabdow Dibile oo hoostaga Degmada Afgooye, xilli uu halkaasi kulan kula lahaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u diyaargaroobayay hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa waxaa toogasho ku dhaawacay nin isku soo dhex qariyay ciidamo kala duwan oo ka tirsan qaybaha militariga, iyadoona ay wararku sheegayaan in uu xirnaa dareyska ciidamada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii uu huwiyay ninkaasi, isaga oo ciidamada kala hadlayay dardargelinta la dagaalanka Al Shabaab iyo inaysan furimaha soo banneyn karin, wax kasta oo dhacaba.

Ilaalada Taliyaha ayaa laga soo xigtay in Taliyuhu uu ciidamadu u sheegay in ay ciqaab mudan doonaan, haddii ay isaga soo taggaan goobta dagaalka, iyadoo cadowga lala dagaalamayo.

Ilaaladiisa ayaa la sheegay in markii dambe ay dileen ninkaasi, oo aan si sax ah loo garaneyn in uu Al Shabaab ka tirsan yahay iyo in kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saraakiil ka socota Dowladda Federaalka ay gaareen goobta lagu dilay Korneyl Nuur Farey, si jawaabo loogu helo su’aalaha ku gadaaman dilkiisa iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo la tuhmi karo inay fududeysay falka lagu khaarijiyay.

Baaritaanada horudhac ah ayaa muujinaya in ninkaasi aanu ka tirsaneyn 5-ta urur ee Guutada 14-ka October ka kooban tahay ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose, sidoo kalena aanu xubin ka ahayn ciidamada kale ee militariga, isla-markaana aanu kuba jirin diiwaanka ciidamada oo dhan.

Baaritaanka socda ayaa lagu xaqiijinaya in ninkaasi uu ka tirsan yahay Al Shabaab iyo in kale, haddii uu dilka Taliyaha gaystay isagoo ka shaqeynaya, sidii ay ciidamadu ugu laaban lahaayeen Degmada Awdheegle iyo Sabiid & Caanoole oo Shabaabku ay qabsadeen bishii hore ee March.

Ma cadda, sida ninkaasi uu ku soo gaaray goobtii uu Taliyuhu ku sugnaa iyo sida ay ugu suurtagashay in uu ciidamada isku soo dhex daro, waxaase iska cad in cid uun ay ka caawisay in ciidamada uu soo dhex galo, waqtigii la doonaba haba la joogee.

Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa kuu sheegaya in si dhow loo baarayo dhacdadaasi, oo sida muuqata abuurtay dareen gaar ah.

Taliye Nuur Farey ayaa muhiim u ahaa dagaalka ay Dowladda Soomaaliyeed dooneyso in dalka lagaga saaro maleeshiyada Shabaabka.

Geeridiisa ayaa si toos ah u saameynaysa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee hoggaamineysa dagaalka lagu la jiro Shabaabka hubeysan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dilka Korneyl Farey ku tilmaamay xeelad cusub oo cadowgu uu la yimid.

“Dhagartu waxay ka mid tahay dagaalka. Dilka Nuur Farey waa xeel cusub oo uu cadowgu la yimid, waa in xikmad iyo taxadar lagu wajaho, sababtoo ah guusha dagaalka waxay ku jirtaa fahamka dhagarta cadowga, si looga gaashaanto. Sabar iyo Iimaan Allaha naga siiyo Nuur, si gaar ah ehelka, asxaabta iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa sheegay in Dowladda Federaalka ay waddo baaritaan dhameystiran, waxaana uu weerarkan ku tilmaamay fal argagixiso.

Haddii baaritaanka lagu xaqiijiyo in ninka weerarka gaystay uu ka tirsanaa Al Shabaab ayaa wuxuu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu u baahnaan doonnaa in uu joogteeyo hubinta uu ku sameynayo ciidamada.

Weerarka toogashada ayaa weji gabax ku ah Taliska Militariga, gaar ahaan Ciidanka Guutada 14-ka October oo u taagan astaan uu qaranku ku xasuusto qaraxii Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad ku dhow kun qof, waana Guutada 14-ka October oo caan ku ahayd inaysan soo dhex geli karin xubnaha Shabaabka, inkastoo 24-kii bishii July ee sanadkii 2023 uu nin ka tirsanaa argagixisada uu isku dhex qarxiyay ciidamadan oo safaf ugu jiray Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayay Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku aasaastay dareenkii dadweyne ee ka dhashay qaraxii Isgoyska Zoobe oo noqday, kiisii labaad ee ugu weynaa ee argagixiso ee dunida ka dhaca, marka aad eegto in urur hubeysani uu goob qura ku dilay dad ku dhow dhow 600 oo qof. Weerarkii ugu weynaa ee taariikhda agagixisada gaysato ayaa la tilmaamaa in uu yahay midkii 11-kii bishii September ee sanadkii 2001 ka dhacay dalka Mareykanka, inkastoo lagu bartilmaameedsaday dhowr goobood.

Weerarkii Isgoyska Zoobe ee 2017 ayaa waxaa si dhow loola xiriiriyay Al Shabaab, walow aysan sheegan masuuliyadda weerarkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc