Home Dhacdooyin Bambaanooyinka labada kun ee rodol oo lagu garaacay Caasimadda Beirut

Bambaanooyinka labada kun ee rodol oo lagu garaacay Caasimadda Beirut

by Laacib

Sawirrada ayaa muujinaya holac aad u weyn iyo burbur baahsan oo ka dhashay bambaanooyinka culus ee culeyskoodu gaarayo labada kun ee rodol, oo Israel ay ku garaacday koonfurta Magaalada Beirut.

Bambaanooyinkan ayaa Jimcihii loo adeegsaday shan dhisme oo dhaadheer oo ku yaala Caasimadda Beirut.

Sawirrada la helay ayaa laga arki karay gantaal si halhaleel ah qaybaha hoose uga dhacaya mid ka mid ah dhismayaasha la burburiyay.

Bambaanooyinkan oo horey ay Ciidanka Cirka Israel ugu adeegsadeen Marinka Gaza ayaa waxaa farsameeya Mareykanka, waana wax ka caagan in loo isticmaalo goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin amaba dhulka cufan ee la degan yahay.

Bambaanooyinkan ayaa loo sameeyay in Militariga Mareykanka ay ku burburiyaan aagagga iyo dhufeysyada ciidamada, xilliyada ay dagaalada jiraan.

Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in diyaaradahooda ay weerareen bukhaarada hubka, xarumaha iyo kaabeyaasha Ururka Xisbullah ee Beirut iyo nawaaxigeeda.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo Sabtidan sii waday weerarada ay ku hayaan Beirut ayaa garaacay degmada koonfureed ee Haret Hreik.

Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya dhismayaal la duqeeyay oo gubanaya.

Wax yar ka hor duqaynta, Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa dadka rayidka ah ugu baaqay inay banneeyan agagaarka dhismayaasha la duqeeyay ee Degmada Haret Hreik.

Afhayeenka ayaa shacabka uga digay inay ku sugan yihiin goobo ay ku yaallaan xarumo ay leedahay Xisbullah, ayna tahay inay ka fogaadaan 500 oo mitir, ka hor inta aysan Ciidamada Israel hadaf ka dhigan.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay sidoo kale maanta duqaymo xiriir ah ka gaysteen deegaanka Sir Al-Gharbiya ee waqooyiga Webiga Litani ee Magaalada Nabatieh.

Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warantay in tobanaan qof oo dad rayid ah ay illaa xalay ku dhinteen duqaymaha ay Israel ka gaysatay dalka, tobanaan kalena ay ku dhaawacantay.

Khamiistii iyo Jimcihii oo keliya, in ka badan 20 xubnood oo isugu jira shaqaalaha samatabixinta iyo caafimaadka ayay Israel ku dishay duqaymo ay ka gaysatay dalkaasi, sida ay sheegtay dowladda dalkaasi.

Shaqaalaha Difaaca Madaniga Lubnaan ayaa fuliya adeegyo degdeg ah, oo ay ku jiraan goobidda & samatabixinta iyo daminta meelaha uu dabku ka kaco.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 192 shaqaale caafimaad iyo kooxaha samatabixinta lagu dilay duqaymaha ay illaa iyo hadda Israel ka gaysatay dalkan, tan iyo markii Israel ay 23-kii bishii September ay si weyn duqaymaheeda ugu ballaarisay dalkaasi oo dhan.

Tirada dadka rayidka ah ee ku dhimatay duqaymaha socda ayaa gaartay 3,445 qof, 14,599 kalena ay dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay wasaaraddu. Sideetan boqolkiiba (80%) dadkan ayaana la dilay, wixii ka dambeeyay September 23-keedii.

Israel ayaa tan iyo Khamiistii kordhisay duqaymaheeda iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadeeda ka wadaan deegaanada xuduudda ee dalka Lubnaan, waana xilli uu Mareykanku soo bandhigay hindise xabad joojineed oo colaadda labada dal lagu soo afjarayo, isla-markaana ay socdaan dadaalo diblomaasiyadeed.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa diblomaasiyiinta ka soo xigatay in uu jiro dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xoog leh, kaas oo ujeedkiisu yahay dejinta xiisadda labada dal.

Dagaalo lagu riiqmay ayaa xuduudda ku dhex maraya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah, iyadoona Israel ay isku dayeyso in Xisbullah ay 30km ka fogeyso xuduudda, balse ciidamadeeda ay illaa iyo hadda dhaqaajin la’yihiin iska caabinta Lubnaan.

Dagaalka xuduudda ee labada dal oo bilowday 1-dii bishii hore ee October ayaa waxaan jirin dhul ay illaa iyo hadda Ciidamada Israel dagaalka uga qabsadeen Xisbullah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc