250,000 oo qof oo dad barakacayaal ah ayaa lagu amray inay isaga baxaan deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, sababtoo ah Ciidamada Israel oo la qorsheynayo in ay hawlgalo ka bilaabaan deegaankaasi.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacaya xaafadaha qaar ee deegaankaasi, taas oo dadka khasab kaga dhigtay in ay isaga cararaan goobihii ay deganaayeen.
Kumanaan qoys ayaa la soo sheegaya in illaa iyo hadda ay ka barakaceen deegaankaasi, welina uu barakac ballaaran ka soconayo Khan Yunis.
Sida uu sheegay Taliska Militariga Israel, dadka rayidka ah ayaa la faray inay taggaan deegaanka Al-Mawasi, oo deris la ah deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.
Inta badan dadkan ayaa ah kuwii ay Ciidamada Israel billihii May iyo June ka soo barakaciyeen qaybaha deegaanka Rafah, oo 7-dii bishii May ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabeen. Ciidamada Israel ayaa weeraray Rafah oo caalamka uu u tixgelinayay aag bani’aadantinimo, maadaama ay gabaad ka dhigteen 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.
Barakacintan khasabka ah ayaa qayb ka ah qorshaha ay Israel ku ballaarineyso gulufka militari ee ay ciidamadeeda ka wadaan Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa la sheegaya inay suurtagal tahay in 24 saac gudahood ay ku soo galaan deegaanka Khan Yunis.
Madaxa Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Falastiin, Ajith Sunghay ayaa ka digay xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza.
Ka dib dhowr bilood oo dagaalo qaraar ay ka socdeen Khan Yunis, Ciidamada Israel ayaa 8-dii bishii April isaga baxay deegaankaasi, iyadoona ay xilligaasi ku soo laabteen qayb ka mid ah dadkii deegaanka ee horey looga barakaciyay guryahooda.
Israel ayaa marba barakacineysa qayb ka mid ah dadka reer Gaza, xilli ay la halgamayaan wixii ay quudan lahaayeen, iyadoona aysan Marinka Gaza ka jirin goob nabdoon.
Gargaarka bani’aadantinimo ayaa Marinka Gaza ka noqday, waxa ay maanta ugu baahida badan yihiin dadka rayidka ah ee ku nool dhulka go’doonsan.
Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay inay abuureyso masiibo gacan ku sameys ah, waana sababta ay macluusha ugu baaheyso Marinka Gaza.
Hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegaya in inta badan dadka reer Gaza ay la nool yihiin gaajo daran.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay si ula kac ah u diidan yihiin in gurmadka bani’aadantinimo uu gaaro kuwa u baahan.
Siyaasiyiinta xagjirka ah ee Israel ayaa maamulka ku cadaadinaya in ciidamadu ay sii wadaan dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayaan shacabka aan waxba galabsan.
Ciqaab wadareedka ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa ka dhigan dembiyo dagaal, marka loo fiiriyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.