Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in booqasho taariikhi ah uu ugu ambabaxo dalka ay xulafada yihiin ee Kuuriyada Waqooyi, iyadoo ay booqashadan noqoneyso tii ugu horreysay ee dalkaasi uu ku taggo, muddo 24 sano ah.
Magaalada Pyongyang ayaa waxaa ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta ee Madaxweynaha Ruushka, iyadoona waddooyinka lagu xardhay Calanka Ruushka iyo sawirrada Putin.
Putin ayaa Caasimadda Pyongyang kulan kula leh Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un.
Ka hor safarkiisan, Putin ayaa Kuuriyada Waqooyi uga mahadceliyay taageeradooda militari ee dagaalka ay ciidamadiisa kula jiraan Ukraine.
Maamulka Kim Jong Un ayaa si joogto ah Moscow ugu daabulayay saanadooda ciidan, oo ay ku jiraan gantaaladaha ballaastikada ah, taas oo ay ku bedelanayaan in laga taageero teknolojiyadda hawada sare, cuntada, shidaalka iyo lacagaha qalaad.
Madaxweynaha Ruushka ayaa ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka ganacsi & amni ee Moscow kala dhaxeeya Pyongyang iyo weliba taageerada ka dhanka ah Mareykanka.
Waqooyiga Kuuriya waxaa lagu tilmaamaa dalka qura ee qarnigan 21aad sameystay hubka wax gumaada ee nuclear-ka, waxayna si weyn isu hayaan Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka, sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.
Dalkan ayaa waxaa saaran cunaqabateyn dhaqaale oo xoogan oo uu ku soo rogay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si loogu ciqaabo barnaamijkiisa nuclear-ka iyo gantaalada casriga ah ee uu ku hubeysan yahay. Ruushka ayaa sidoo kale wajahaya cunaqabateyno is biirsaday oo dalkiisa ay ku hayaan Mareykanka iyo reer Yurub, ka dib duulaankiisii Ukraine.
Madaxweyne Putin ayaa ammaanay, sida Pyongyang ay isaga caabisay cadaadiska dhaqaale ee Mareykanka, shirqoolada uu u maleygayo iyo weliba hanjabaadaha kaga imanaya.
Waxa kaloo uu sheegay in si wadajir ah ay uga hortagi doonaan xanibaadaha halka dhinac ah, si loo horumariyo iskaashigooda ganacsiga iyo ammaanka.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa booqashadan ku tilmaamay booqasho saaxiibnimo oo dowladood. Warbaahinta Ruushka ayaa ku warantay in Putin iyo Kim Jong Un ay suurtagal tahay in ay kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi oo muhiim ah.
Booqashada Putin ee Kuuriyada Waqooyi ayaa hadal-hayn badan dhalisay, taas oo noqoneyso tii 1aad ee cagta uu ku dhigo dalkaasi, tan iyo sanadkii 2000.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa si dhow isha ugu haya booqashadii ugu horreysay ee Putin uu muddo rubac qarni ah ku tagayo dalkaasi.