Home Wararka Caalamka Boqorka Jordan oo si kulul u weeraray Israel

Boqorka Jordan oo si kulul u weeraray Israel

by Laacib

Boqorka Jordan, Boqor Cabdallaha Labaad ayaa si kulul uga hadlay gabood-falada Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, oo uu ku tilmaamay dembi dagaal.

“Aad baan uga xumahay rabshadaha gacan ka hadalka wata ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Israel.” Ayuu yiri Boqorka Jordan.

Boqorka ayaa cambaareeyay gacanta adag ee Maamulka Israel ku wajahayo dadka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan Marinka Gaza.

“Duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee ka socda Gaza xitaa xilligan aan hadlayo waa kuwo arxandaro ah oo damiir la’aan ah. Heer kasta oo ay tahayba waa ciqaab wadareed lagu la kacayo bulsho taag daran oo haddana la go’doomiyay, waana arrin ka soo horjeedda sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.” Ayuu yiri Boqorka.

Boqorka ayaa dhalleeceeyay, sida hoggaamiyeyaasha caalamka ay indhaha qarsadeen waxa ka socdo Gaza, oo xitaa ay qaarkood ka hadli la’yihiin.

“Shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada waa kuwo u shaqeeya, sida danaha Reer Galbeedka ay rabaan oo keliya.” Ayuu yiri Boqorka oo ka hadlayay shirka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa dunida qaarkood ay Sabtidii ku yeesheen Magaalada Qaahira.

Shirkan oo ah mid nabadeed oo uu martigeliyay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa looga hadlayay, sidii si degdeg ahi loogu joojin lahaa colaadda u dhaxeyso Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Boqorka Jordan oo sii hadlayay ayaa yiri “Meel kasta oo dunida ah, marka weeraro loo gaysto kaabeyaasha rayidka, si ula kacna ah loo gaajeysiiyo, lagana jaro cuntada, biyaha, korontada iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah waa la cambaareeya, la xisaabtana waa la sameeya, laakiin Gaza maya.”

“Waa ciqaab wadareed marka dadka la go’doomiyo, welibana dhibaato xoog leh lagu hayo, waana gef bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada. In dadka si khasab ah guryahooda looga barakiciyo waa dembi dagaal.” Ayuu sii raaciyay Boqor Abdalla.

Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa wacad ku maray inaanay aqbali doonin in dadka reer Gaza laga barakiciyo guryahooda, dhulkoodana la qaato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc