Home Wararka Maanta Bulshada Gobolka Hiiraan oo loogu baaqay inay xoojiyaan la dagaalanka Al Shabaab

Bulshada Gobolka Hiiraan oo loogu baaqay inay xoojiyaan la dagaalanka Al Shabaab

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan ugu baaqay inay xoojiyaan ka qayb qaadashada la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxda Hirshabelle ayaa Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ku maraya safaro xarigga lagaga jarayo mashaariic horumarineed iyo mid dadka deegaanka loogu boorinayo in ay ka qayb qaataan hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada Hirshabelle.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo shalay galab ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo gaaray Degmada Moqokori ayaa shacabka gobolka ugu yeeray inay doorkooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dadka reer Moqokori ay si wanaagsan u garanayaan dib-u-dhacyada ka jira dhulka ay Shabaabku maamulaan.

“Waxaad soo marteen ma moogideen, intii yareyd ee hadda aad xor eheedeen oo Ilaahay aad u tala saarateen, ummaddii kale ee idiin soo hiilisayna ay idin garab istaagtay, wixii ka horreyay wixii aad ku sugneydeen waad ogtihiin. Magaaladu sida ay horey idinku ahayd waad ogtihiin, sidaad hadda ka dhigeysaana waan isla oganahay. Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo masuuliyiinta maamulada ee la socdana way arki doonaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenku.

Madaxweyne Guudlaawe ayay Jimcihii booqasho uga bilaabatay Gobolka Hiiraan, ka dib socdaal shaqo oo muddooyinkan uu ku marayay Gobolka Shabellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa muddada uu ku sugan yahay Moqokori waxa uu xarigga ka jari doonnaa mashaariic horumarineed oo maamulkiisu uu ka hirgeliyay degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay degmo ka dhigay Moqokori, ka dib markii ciidamadu iyo dadka deegaanka ay ka saareen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Hirshabelle iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa wejigii 1aad ee dagaalka ku guuleystay in ay Shabaabka ka saaraan dhulkii ay ka joogeen bariga labada gobol ee Hirshabelle, iyadoona haatan ay Shabaabku ku harsan yihiin galbeedka goboladaasi.

default

default

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc