Home Wararka Caalamka Caalamka oo si adag u cambaareeyay ficilada aan la aqbali karin ee Israel

Caalamka oo si adag u cambaareeyay ficilada aan la aqbali karin ee Israel

by Laacib

Israel ayaa cambaareyn xoog leh kala kulantay caalamka, ka dib markii ciidamadeeda ay Arbacadii iyo Khamiistii ay weerareen Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan ee degan aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal.

Militariga Israel ayaa Khamiistii dhaawacay laba ka mid ah Ciidanka Hawlgalka UNIFIL, markii taangiyadooda ay rasaas ku fureen taawarka sare ee ilaalada ee Xerada Ciidanka UNIFIL.

Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay habdhaqanka Ciidamada Israel, iyadoona warbixin la xiriirta badqabka Ciidamada Talyaaniga ka dhageysatay Taliyaha Qaybta Galbeed ee Hawlgalka UNIFIL, General Stefano Messina.

Giorgia Meloni ayaa u yeertay Safiirka Israel u jooga Magaalada Rome, si wax looga weydiiyo weerarka Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey iyo laba xarumood oo kale oo Qaramada Midoobey ay aagga xuduudda ku leedahay.

Giorgia Meloni ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in sidoo kale ay xiriirtay Wasiirka Difaaca Israel, isla-markaana ay u sheegtay in waxa dhacaya ay yihiin wax aan la aqbali karin.

Dowladda Indonesia oo askarta dhaawacantay ay dalkeeda ka socdaan ayaa si adag u cambaareysay weerarkaasi. Indonesia waa dalka ciidamada ugu badan ku taageeray Hawlgalka UNIFIL.

Turkiga ayaa dhankiisa sheegay inaanan gebi ahaanba loo dulqaadin karin sii socoshada dembiyada ay Israel gaysaneyso.

“Ka dib xasuuqii ay u gaysatay dadka rayidka ah ee Gaza, Daanta Galbeed iyo Lubnaan, weerarka lagu qaaday Ciidamada Qaramada Midoobey waa mid muujinaya dembiyada Israel ee aan ciqaabta lahayn. Beesha Caalamka waxaa ku waajiba inay xaqiijiso in Israel ay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Canada oo dhankeeda cambaareysay weerarkaasi ayaa ku qeexday wax laga naxo, isla-markaana aan la aqbali karin, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo cambaareysay weerarkaasi ayaa Maamulka Israel ka dalbatay inay sharaxaad ka bixiyaan sababta loo beegsaday saddexdaasi goobood. Faransiiska waxaa halkaasi ka jooga 700 oo askari.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo heli karin in la weeraro Ciidanka Qaramada Midoobey, iyadoo si fiican loo garanayo buu yiri meelaha ay degan yihiin.

Spain ayaa sheegtay in weerarku uu yahay xadgudub qaawan oo ka dhan ah qaanuunka caalamiga ah, halka Ireland ay weerarka ku sheegtay taxadar la’aan ka timid Ciidamada Israel. Labada dal waxay ka mid yihiin kontonka dal ee ciidamada tobanka kun gaaraya ku yaboohay Hawlgalka UNIFIL.

Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, Jeanine Hennis-Plasschaert oo Golaha Ammaanka warbixin ka siisay xaaladda dalkaasi ayaa sheegtay inay korodhay heerka halista ah, isla-markaana ay ciidamadu joojiyeen howlahoodii shaqo ee xuduudda.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa ku baaqay in dunida ay wax ka qabato duqaymaha aan joogsiga lahayn ee Israel.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Moscow ayaa sheegay in colaadda ka sii dareysa ee Bariga Dhexe ay cawaaqib xun ku yeelan karto gobolka oo dhan.

Peskov ayaa xusay in boqolaal kun oo qof oo dad rayid ah ay halis ugu jiraan dagaalka ay Israel ku wada fidisay dalka Lubnaan oo dhan, ka dib hawlgalkeeda militari ee Marinka Gaza.

“Nasiib darro dagaalka mar horeba waa uu fidayay, waxaana hadda lagu daray safafka Lubnaan. Dhammaan waxyaabahaas oo dhan si dabiici ah waxay keenayaan burburka kaabeyaasha rayidka.” Ayuu yiri Peskov oo is dultaag ku sameynaya waxa ka socdo Lubnaan iyo Gaza.

Paris iyo Washington ayaa ku taliyay in la xoojiyo oo la tayeeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan iyo in dowladda dalkaasi laga caawiyo inay hanato ammaanka dalka oo dhan.

Safiirka Faransiiska ee Qaramada Midoobey, Nicolas de Riviere ayaa sheegay in xalka qalalaasaha Lubnaan uu ku xiran yahay Lubnaan oo xoog badan.

Kuxigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Robert Wood oo isna ka hor hadlayay Golaha Ammaanka ayaa jeediyay mid la mid ah hadalka Danjiraha Faransiiska.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ahna Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Kamala Harris ayaa Khamiistii ku baaqday in xabad joojin laga sameeyo Gaza iyo Lubnaan.

“Waa inaan gaarno xabbad joojin, waana inaan hoos u dhigno xiisadda.” Ayay tiri Kamala Harris.

Kamala Harris waxay ka gaabsatay inay cambaareyso rasaasta ka soo dhacday dhinaca Ciidamada Israel ee lagu weeraray Xerada Ciidanka UNIFIL iyo labada goobood ee kale ee Qaramada Midoobey.

Dad badan ayaa ku doodaya in isla xisaabtan la’aanta dunida ee Israel ay Tel Aviv ka dhigtay mid fududeysata ku dhaqan la’aanteeda xeerarka caalamiga ah bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc