Home Wararka Caalamka Cabsi soo wajahday Sacuudiga, Emirate-ka & Qatar iyo baaq ay u direen Mareykanka

Cabsi soo wajahday Sacuudiga, Emirate-ka & Qatar iyo baaq ay u direen Mareykanka

by Laacib

Dowladaha Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Qatar ayaa Dowladda Mareykanka ka codsaday inay ka hortagto weerar ay Israel ku qaaddo xarumaha saliidda ee dalka Iran.

Wararka ayaa sheegaya in dowladahan ay ka baqdin qabaan in ay Iran bartilmaameedsato ceelasha shidaalka ee saddexdaasi dal.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka gadaal markii Tehran ay Riyadh, Abu Dhabi iyo Doha uga digtay in hawadooda loo adeegsado goob laga soo weeraro dalkeeda, haddii kalena ay dagaalka qayb ka noqon doonaan.

Dalalkan ayaa si dhab ah u qaatay digniin kaga timid Iran, isla-markaana ay u cabsadaan in la burburiyo wax soosaarkooda ugu muhiimsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi oo Arbacadii Magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa si dhow uga wada hadlay xaaladda kacsan ee gobolka iyo sidii isku dhac ballaaran looga baaqsan lahaa.

Dowladaha Khaliijka oo xulafo la ah Mareykanka ayaa isku dayaya in ay Mareykanka ku cadaadiyaan in saamayntiisa uu u adeegsado Israel, si loo xakameeyo.

Jonathan Panikoff oo horey uga tirsanaa Sirdoonka Mareykanka ee ka hawlgala Gobolka Bariga Dhexe ayaa sheegay in walaaca dalalka gobolka uu noqon doono qodob muhiim ah, oo ay ka wada hadlaan dhigooda Israel.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa horey walaac uga muujiyay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Israel ay beegsato xarumaha tamarta ee dalkaasi.

Madaxweyne Biden iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii khadka teleefanka isaga wareystay jawaabta Tel Aviv ay ka bixin karto weeraradii gantaal ee Tehran ay 1-dii bishan ku qaadday Israel. Wada hadalkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay oo ay yeeshaan, tan iyo bishii August,

Aqalka Cad ayaa doonaya in jawaabta Israel ay noqoto mid ay u fuliso si taxadar uu ku jiro, oo macnaheedu yahay inaysan isku weerarin xarumaha saliidda ee Iran.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaan illaa iyo hadda ka hadlin in Washintgon ay Tel Aviv middaasi ku qancisay iyo in kale, ha yeeshee Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in jawaabta Tel Aviv ay noqon doonto mid halis ah, oo sax ah iyo weliba la yaab leh.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Israel uga digay burbur dhan kastaba leh, haddii aysan ka fiirsan weerarka ay karkarineyso.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in Washington ay dareensan tahay in goobaha shidaalka ee Mareykanku gacanta ku hayo ee dalka Suuriya ay xitaa bartilmaameed noqon karaan, haddii la isku dayo in dhaqaalaha Iran la curyaamiyo.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa qortay in sicirka saliidda uu kor u kacay boqolkiiba afar (4%), iyadoona u sababeysay cabsida ka jirta gobolka iyo duufaanta ku dhufatay Mareykanka.

Danta gobolka iyo tan dhaqaalaha caalamka ayaa la sheegaya in ay ku jirto Mareykanka oo Israel ka hor istaago gacanta culus ee laga yaabo inay u adeegsato Iran, taas oo keeni karta in gobolku uu isla qarxo.

Mareykanka waxaa loo arkaa dal gacmaha qaban kara Israel, inkastoo xiriirka hoggaamiyeyaasha labada dal aanu wanaagsaneyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc