Ka dib markii Xoogaga Islaamiyiinta ay la wareegeen Magaalada Hama ayaa waxay taasi baqdin badan ku keentay bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al Assad ee ku nool Magaalada Homs.
Dardarta iyo gaabis la’aanta ay ku socdaan jabhadaha ka soo horjeeda dowladdiisa ayaa tobanaan kun oo Calawiyiinta ku riixday inay ka baxsadaan Homs.
Calawiyiinta ayaa ka baqdin qaba in la bartilmaameedsado, iyadoo laga aargudanayo xasuuqii ay Dowladda Shiicada ah u gaysatay bulshada ugu badan Suuriya ee Sunniyiinta.
Calawiyiinta oo ah bulsho laga tira badan yahay ayaa xusuusan dhacdadii bishii April ee sanadkii 2014 lagu dilay ugu yaraan 100 qof oo u badnaa dad rayid ah, ka dib weeraro mataano ahaa oo ka dhacay xaafadda ay Calawiyiinta ku badan yihiin ee Magaalada Homs.
Weeraradaasi ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Nusra, oo ahayd garabka Al Qaacidda ee Suuriya, xilligaas oo uu hoggaaminayay Abu Mohammed Al Jawlani, oo hadda ah Hoggaamiyaha Hayat Tahrir Al-Sham (HTS), inkastoo sanadkii 2016 uu ku dhawaaqay in kooxdiisu ay xiriirka u jartay Al Qaacidda, waxaana uu bishii January ee sanadkii 2017 uu aasaasay Hayat Tahrir Al-Sham (HTS), oo ah ururka ugu weyn ee hoggaaminaya kooxaha hadda doonaya inay ridaan Dowladda Bashar Al Assad.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in tobanaan kun oo Calawiyiinta ay ka baxeen magaalada saddexaad ee Suuriya ugu weyn.
SOHR ayaa ku warantay in dadka faraha badan ee ka baxay Homs ay aadeen dhinaca xeebaha dalkaasi ee dhaca Badda Mediterranean-ka.
Abu Mohammed Al Jawlani, Hoggaamiyaha Hayat Tahrir Al-Sham ayaa ballanqaaday inaanu jiri doonin wax aargoosi ah, isagoona shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isla-markaana ay taageeraan kacdoonka.
“Waxaan Allaha awoodda leh ka baryaya in uu hawlgalkayagu noqdo mid lagu guuleysto, iyadoo aanu wax aargoosi ah jirin.” Ayuu yiri Jawlani.
Dardarta xoogga leh ay ku socdaan kooxaha fallaagada iyo dhulka ballaaran ee ay dagaalka ku qabsanayaan ayay Calawiyiinta Homs is tuseen in kooxahaasi ay si dhakhsa ah ku soo gaari karaan magaalada.
Islaamiyiinta oo isku dayaya in ay kasbadaan taageerada shacabka, xoogagoodii Khamiistii la wareegay Magaalada Hama ayaan wax xargudub ah kula kicin Calawiyiinta ku nool duleedka galbeed ee Hama.
Madaxweynihii hore ee Suuriya, Hafez Al Assad iyo wiilka uu dhalay ee Bashar Al Assad ayaa labaduba ku lug leh xasuuq loo gaystay Sunniyiinta dalkaasi.