Home Wararka Maanta Cali Aadan Muumin oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Cali Aadan Muumin oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa xabsiga dhigay Wariye Cali Aadan Muumin oo ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee haatan degan Magaalada Muqdisho.

Booliska Saldhigga Degmada Xamar Weyne ayaa gacanta ku soo dhigay Wariyaha, isagoona ku xiran Saldhigga Afar Irdood ee degmadaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Cali Aadan Muumin uu ku eedeysan yahay qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madaxeed.

“Waxaa la horgayn doonnaa maxkamadda awoodda u leh.” Ayaa lagu yiri qoraalka oo sidoo kale shacabka loogu jeediyay “Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa la farayaa in aysan qayb ka noqonin qalqalgelinta amniga iyo faafinta wararka been abuurka.”

Cali Aadan Muunin oo horaan ka hawlgali jiray Warbaahinta madaxbannaan ee Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay wax ku qorayay bog uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Qoraal lagu baahiyay boggiisa ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu afduubay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, ka dib markii uu hoygiisa ugu yeeray.

Ilaha ku dhow dhow hay’adaha ammaanka ayaa sheegaya in ninka Saxafiga ah lagu haysto qoraal uu ku sheegayay in maleeshiyada Al Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in goor sii horreysay laga dalbaday in qoraalka uu bartiisa ka saaro, balse uu ku adkeystay in warka uu ka helay ilo sugan, sidaasi daraadeedna aanu ka saari doonin.

Cali Aadan ayaa qoraalkan soo daabacay, iyadoo ay xaalad kacsanaan ah maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Gobolka Shabellaha Dhexe, ka gadaal markii Shabaabku ay kordhiyeen weerarada ay isku dayayaan in ay ku wiiqaan hawlgalka militari ee ka socdo deegaanada Hirshabelle ee kooxaha argagixisada lagaga saarayo dhulka ay kaga harsan yihiin Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc