Home Wararka Maanta Cali Aadan Muumin oo xabsiga laga sii daayay, iyadoo aan maxkamad la horkeenin

Cali Aadan Muumin oo xabsiga laga sii daayay, iyadoo aan maxkamad la horkeenin

by Laacib

Wariye Cali Aadan Muumin ayaa caawa dib u helay xorriyaddiisa, ka dib 48 saac oo uu ku xirnaa Magaalada Muqdisho.

Xarigga Wariyaha ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay qalqalgelin amni iyo aflagaaddo madaxeed.

Taliska ayaa habeen hore qoraal ku sheegay in la horgayn doono maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa, balse waxaa hadda xabsiga laga sii daayay, iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin.

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan madax hore oo dalka xilal ka soo qabtay ayaa si kulul u cambaareeyay xariggiisa, iyagoona Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay si degdeg ah xorriyaddiisa u siiso.

Cali Aadan ayaa markii hore la xiray, iyadoo aysan jirin warqad ama waaran maxkamadeed, waxaana la sii daayay, iyada oo aan la sheegin waxa lagu sii daayay.

Dadka qaar ayaa xariggiisa ku tilmaamay farriin cabsi gelin ah oo si toos ah ugu socota dadka dhaliila siyaasadda Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ololihiisii dib u doorashada ee sanadkii 2022 ku ololeynayay inaanu sameyn doonin wax caburin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc