Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Gaduud) iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa maanta booqday Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ee ku sugan duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Masaajid Cali Gaduud ayaa noqotay furin dagaal, ka gadaal markii maleeshiyada Al Shabaab ay 26-kii bishii March ku qabsadeen dagaal culus.
Ciidamada ayaa maalintii 1aad ee Ciidul Fidriga (Axaddii) weerar xoogan ku qaaday maleeshiyada ku sugan deegaankaasi, waxaana soo baxay warar sheegaya in ciidamada ay si buuxda dib ugu la wareegeen deegaankaasi, inkastoo aysan jirin cid si sax ah u xaqiijin karta.
Madaxweynaha Hirshabelle iyo masuuliyiintii kale ee wehlineysay ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee ku sugan duleedka Masaajid Cali Gaduud.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ciidamada iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada ayaa sheegay in Hirshabelle ay ku soo duuleen dagaal-yahano ajaaniib ah, oo gacan ka helaya dad sida uu sheegay deegaankooda ka saaqiday amaba ka falaagoobay.
“Waa dad diinta been ka sheegay, waa dad burcad diimeed ah, kuna gambanayo magaca diinta. Nin aan soomeen oo salaadeen oo diina sheeganayo weligeed lama arkin. Dadkaanu waa dad duulaan ah, waa niman dalkan iyo dadkan ku soo duulay. Kooxo burcad oo is baheystay waaye, inay dalkan qabsadaan ayay rabaan, kuwa deegaanka ee horsocdana waa dayuusiin.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa ciidamada kaga mahadceliyay, sida ay ugu taagan yihiin difaaca dalka, dadka iyo diinta, isagoona ku booriyay inay sii wadaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxahaaasi.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale ayaa Shabaab laga saaray laba sano horteed, waxaana uu amnigeedu muhiim u yahay degmadaasi.
Ciidamada ayaa dagaal lagu riiqmay oo maalmo socday bishii October ee sanadkii 2022 kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, oo Shabaabku ay ka arriminayeen wax ka badan 10 sano.
Shabaabka ayaa 20-kii bishii February bilaabay in si aan horey loo arag ay isugu soo fidiyaan deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.