Cali Jeyte Cismaan oo sida la sheegay 25-kii bishii June loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Hiiraan State ayaa wacad Alle ku maray inuu u aargudi doono dadka faraha badan ee maalin ka hor lagu laayay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay inaanu ka tacsiyadeen doonin dhibaatada loo gaystay dadkaasi, balse uu uga aargudi doono kuwii ka masuulka ahaa falkaasi argagixiso.
“Waxaa igu ballan ah oo wacad Ilaahay igu ah inaan u aarayo, haddii Ilaahay idmo, waxaan idinka Ilaahay ku suuragalin, ma suurtagalaan.” Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
“Haddii Alle idmo waxaa ballan Ilaahay ah inaanan tacsi meel la soo istaagin. 15 sano ayay dadka nagu hor dilayeen oo tacsi direynay, haddaysan waxba garaneynin dee in gacan la isaga dhuftee noqotay, soo maaha? Gacantan isaga dhufanayna kuma aanan khasaarin.” Ayuu sii raaciyay.
Cali Jeyte Cismaan iyo xubno uu horkacayo oo gelinkii dambe ee Axaddii gaaray deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah mintidiinta Al Shabaab.
Waxa uu soo hadalqaaday shirkii uu habeenkii Khamiista kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlayay dardargelinta dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Shabaabka, isagoona dadka deegaanka ugu yeeray in ay dagaalkaasi gacan ka gaystaan.
“Annaga shirkii Dhuusamareeb ayaan ka nimid, shirkaasi wuxuu ahaa shir looga tashanayo nimankaas, sidii Somaliya looga saari lahaa. Waxba kala qarsan mayno nimankaas in Somaliya laga saaraa loo baahan yahay, waxaana idiin sidnaa annagoo idinka idiin metelayno aan soo qaadnay Shabaab in lala dagaalamo, inaad nala qaaddaana waan rabnaa.” Ayuu yiri Cali Jeyte.
Waxa kaloo uu yiri “Shabaab nimanka la yiraahdo Muslim ma aha oo bani’aadam ma aha, waa arxanlaaweyaal, waana mucjiso ku soo korortay adduunka, waa kuwo loo isticmalayo Diinta Islaamka inay suurad xumeeyaan. War dad boqolkiiba boqol Muslim ahaa nahayee, kuwaan Diinta Islaamka maka celinaa, oo diinta ma u hiilinaa, lafahaynana maka ilaashanaa?”
Jeyte ayaa reer Teedaan u sheegay in uu iclaaminayo dagaal dalka looga kicinayo Al Shabaab, isla-markaana uu uga baahan yahay taageeradooda.
“Waqti badan ma jiro waxaan iclaaminaynaa dagaal lala gelayo Al Shabaab, hoos ma loo dhahayo. Waxaa codsi iga ah cadowgiina inaad dishaan, deegaanadiina ka dheereysaan oo Somaliya ka saartaan, aakhiradiinana aad wax u shaqeysataan.” Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu u igmaday in uu hoggaamiyo hawlgalka gobolka, dadka deegaankana ay tahay in dagaalka ka qayb qaataan.
“Waad ogtihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda mar labaad wuxuu yimid Degmada Maxaas, dagaalka Shabaab inaan hoggaamiyo ayuu ii igmaday, adinka haddaanan taageero idinka helin, qolo kale oo Soomaali ah oo taageero ka helayo ma jirto.” Ayuu yiri Jeyte.
Jeyte ayaa hoggaaminayay wejigii koowaad ee hawlgalka ee sanadkii hore ka bilowday Gobolka Hiiraan, keentayna in Shabaabka lago saaro deegaanadii ay ka maamulayeen daanta bari ee gobolkaasi.
Dagaalkan ayaa xudun u ahaa kacdoonka dadweyne ee ka bilowday gobolkaasi, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, oo ay suurtagashay in kooxaha argagixisada laga saaro inta badan dhulkii ay ka haysteen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudg.
Wejigii hore ee hawlgalka ayaa laga bartay in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaabka muddada dheer ka dagaalamayay dalka.