Home Wararka Maanta Cambaareyntii Xildhibaan Aadan Qoryooley oo la maqlay, keentayna in la sii daayo Saxafiyiinta

Cambaareyntii Xildhibaan Aadan Qoryooley oo la maqlay, keentayna in la sii daayo Saxafiyiinta

by Laacib

Laamaha amniga ayaa xalay dib xorriyaddooda u siiyay afar ka mid ah Wariyeyaasha ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ka dib saacado ay ku xirnaayeen magaaladaasi.

Wariyeyaashan oo ka tirsan 5TV ayaa duhurnimadii shalay laga soo xiray goobtooda shaqo, iyadoo aan loo sheegin waxa lagu haysto, aan ka ahayn inay xarig yihiin.

Xildhibaan Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay fiidkii cambaareeyay tallaabada lagu xiray.

Tani ayaa loo maleynaya in ay soo dedejisay in Wariyeyaashaasi caweysnimadii laga sii daayo goobtii ay ku xirnaayeen, maadaama Xildhibaanku uu yahay nin saamayn ku dhex leh Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Aadan Qoryooley oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug ayaa muddooyinkan lala xiriirinayay Villa Somalia.

Laamaha amnigu ma sheegin sababta lagu soo xiray afartaasi nin iyo waxa keenay dib u sii deyntooduba.

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa la fahamsan yahay in markii horeba ay ku soo xireen waaran la’aan, haddana ay sii daayeen iyadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin.

Wariyeyaashan ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Maxamuud Raas, Maxamed Axmed Rooraaye, Maxamed Cabdi Afgooye iyo Eng. Daahir Dayax.

Booliska ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyay beegsiga ay ku hayaan Wariyeyaasha loo xirayo howshooda Warbaahineed.

Somaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ugu halista badan dunida ee qof Warbaahinta ka shaqeeya uu ka hawlgalo.

Wariyeyaasha ayaa la tilmaamaa in gudaha Somaliya loogu gaysto caga-jugleen joogta ah, xarig, jirdil iyo weliba dil, iyagoo ku shaqeynaya waqti adag.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc