Askartan oo ka tirsaneyd Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii waddada loo galay gaarigii ay la socdeen.
Askartan oo aan wax hub ah wadan ayaa laga la degay gaarigaasi, xilli uu marayay duleedka Degmada Ceelbaraf, halkaasna ay aano qabiil ugu dileen maleeshiyo beeleed.
Askarta la dilay ayaa ka mid ahaa ciidamada fariisimaha ku leh deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi, waxaana la dilay, xilli ay fasax soo qaateen, isla-markaana ay ku sii jeedeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Meydadka askarta ayaa maanta la geeyay Magaalada Beledweyne, iyagoo doonayay in halkaasi ay fasaxooda ku qaataan.
Dhacdadan ayaa ka carreysiiyay dadka reer Hiiraan, waxayna odayaasha iyo waxgaradka gobolka ay dalbadeen in Dowladda Federaalka ay jawaab degdeg ah ka bixiso dilka loo gaystay askartaasi.
Odayaal ku heyb ah askartaasi oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Maxaas ayaa Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu yeeray in askartaasi ay caddaalad helaan.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa laamaha ammaanka faray in tallaabo degdeg ah laga qaado kuwii ka dambeeyay falkaasi.
“Waxaan farayaa laamaha amniga 24 saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelato dhacdadii aragagaxa lahayd ee ka dhacday deegaan ku dhow Degmada Ceelbaraf.” Ayuu Madaxweyne Cali Guudlaawe ku sheegay qoraal uu soo saaray.
Madaxweynaha ayaa bulshada Hirshabelle ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdo kasta oo wax u dhimeysa amniga iyo wadajirka bulshada.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Hirshabelle ayaa wada dadaalo lagu baadigoobayo maleeshiyadii ka dambeysay weerarkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu ciidamada ku amray in raggaasi la horkeeno sharciga, si ay caddaaladda u wajahayaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada Qaranka ay riixeyso in gacanta lagu soo dhigo maleeshiyadaasi, si degdeg ahna loo horkeeno maxkamadda awoodda u leh kiiska loo haysto.
Villa Somalia, Madaxtooyada Hirshabelle iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa garowsan in dhacdadan ay sii hurineyso isku dhacyadii beelaha ee muddooyinkanba ku soo badanayay deegaanada Hirshabelle.
Dilalka abaabulan ee aanooyinka qabaa’ilada ee ku soo badanaya Hirshabelle ayaa sidoo kale wiiqaya hawlgalkii jilicsanaa ee lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab.
Deegaanada Hirshabelle ayaa waxaad arkaysaa in muddo ahba inay ku soo noqnoqdeen weerarada ay gaysanayaan maleeshiyada beeleedyada ka soo jeeda labada gobol ee Hirshabelle.