Home Dhacdooyin Carro ka dhalatay weerar ay Israel ku qaadday xarun uu Sacuudiga ku leeyahay Gaza

Carro ka dhalatay weerar ay Israel ku qaadday xarun uu Sacuudiga ku leeyahay Gaza

by Laacib

Carro xoog leh ayaa ka dhalatay, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay Khamiistii garaaceen bakhaar ay ku jireen sahay caafimaad, oo ay leedahay Xarunta Dhaqanka & Hiddaha Sacuudiga ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha Israel ayaa bartilmaameedsaday xaruntan oo ku tiilay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, iyadoo welibana uu ka babanayay Calanka Sacuudiga, lana ogyahay in Boqortooyadu ay leedahay. Weerarkan ayaa ah kiisii ugu horreyay ee Israel ku qaaddo xaruntaasi.

Dowladaha Bariga Dhexe ayaa weerarka ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, maadaama bakhaarkaasi uu ku kaydsanaa sahay caafimaad oo muhiim ah, isla-markaana loogu talagalay dadka bukaan socodka ah iyo kuwa ku dhaawacma weerarada Gaza.

Ururka ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerar kale oo Israel ku ekeysay Dhismaha Dugsiga Dar Al-Arqam ee waqooyiga Marinka Gaza. Dugsigan ayaa waxaa ku soo barakacay qoysas lagu khasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in illaa soddon qof ay ku dhinteen weerarkaasi, oo ay ku jiraan 18 carruur ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacantay.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa si xoogan u cambaareysay labadaasi weerar iyo kororka weerarada Israel ee sida joogtada ah loogu bartilmaameedsanayo shacabka aan hubeysneyn iyo meelaha ay gabaadsanayaan.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku dhalleeceysay aamusnaanta caalamka iyo maqnaanshaha isla xisaabtanka, isla-markaana ay taasi u ogolaatay Israel inay sii waddo ficiladeeda argagaxa leh.

Riyadh ayaa caalamka ku boorisay in la difaaco sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo in la qaado tallaabooyin lagu la xisaabtamayo dembiiyeyaasha dagaal.

Riyadh ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqday in ay adeegsadaan saamayntooda, isla-markaana ay si degdeg ah u joojiyaan dhibaatada ay Israel ku hayso shacabka Falastiin.

Si kastaba ha-ahaatee carrada dowladaha gobolka iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka muujiyeen weeraradaasi ayaa lagu sheegay carradii ugu weynaa ay u muujiyaan Israel, muddadii sanadka iyo barka ahayd ee ay xasuuqa iyo burburinta ka gaysaneysay Marinka Gaza.

In ka badan 50,600 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza, tan iyo bishii October ee sanadkii 2023, halka in ka badan 114 kun oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo dhibaneyaashu ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc