Home Wararka Maanta Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay nin ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay nin ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa galabta soo bandhigay nin dhallinyaro ah, oo ku eedeysan inuu ku shaqeysanayay dokumentiyo been abuur ah.

Ninkan ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Dharkiinley, kuwaa oo sidoo kale la soo qabtay dokumenti uu watay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dokumentiyada loo ekeysiiyay kuwa dowladda ugu adeegto shacabka.

Warka ayaa lagu sheegay in eedeysanuhu uu bulshada lacago sharci darro ah kaga bedelanayay dokumentiyadaasi.

Talisku ma sheegin magaca ninka eedeysanaha, balse waxaa uu sheegay in la horgayn doono sharciga, si caddaaladda uu u wajaho.

Inkastoo dokumentiyada been abuurka ay ku badan yihiin Suuqyada Magaalada Muqdisho, haddana sanadihii ugu dambeeyay ayaad mooddaa inay aad u soo yaraanayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc