Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda oo ku gacan sarreya dagaalka Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda oo ku gacan sarreya dagaalka Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda ayaa sii kordhiyay cadaadiska ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab ee habeenkii Axadda qabsatay deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda ku gacan sarreyan dagaalka, maleeshiyaduna ay hal xaafad oo qura kaga harsan tahay deegaankaasi, isla-markaana aysan jirin weerarkii ay maleeshiyadu dib ugu soo riixeysay ciidamada, aan ka ahayn inay iyagii haatan difaac yihiin.

Ciidamada ayaa la soo sheegaya in ay ku hareereysan yihiin goobta ay maleeshiyadu salka kula jirto, jiho walbana ay xabadda kaga soo ridayaan.

Shabaabka ayaa qaarkood ka dhex dagaalamaya godad ay halkaasi ka qoteen, halka qaarka kalena ay isugu taggeen aagga Masjidka Aboorey.

Is bedelka ku yimid dheeli-tirka awoodda dagaalka ee labada dhinac ayaa lagu sheegay in dhowrkii saac ee u dambeysay aanay Shabaabku wax gurmad ah ka helin dhinaca deegaanka Jicibow, ka dib markii la duqeeyay gurmad u soo marayay hawdka deegaanka Beera-yabaal, kuwo kalena ay Macawiisleyda jidka u gashay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa hoggaaminaya dagaalka Shabaabka lagaga saarayo deegaankaasi.

Ma cadda waqtiga ay ciidamadu ku qaadan doonto, si ay u soo afjaraan Shabaabka weli ka dagaalamaya Aboorey.

Taariikhda casriga ee Somaliya ayaa ina bareysa inaanan inta badan si dhakhsa ah loo soo afjarin, marka sidaan oo kale ay Shabaabku difaac ka galaan goob, haddii aysan rasaasta ka dhammaan amaba aysan helin marin ay uga bixi karaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc