Ciidanka Cirka Israel ayaa saqdii dhexe ee xalay isku mar bartilmaameedsaday goobo ay ku jiraan aagag horey loogu asteeyay kuwo bani’aadantinimo oo ku yaala Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro koror aad u baahsan oo duqaymo ah, oo saacadihii la soo dhaafay ay Militariga Israel ka gaysteen gudaha Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay xaafado ay dadkii horey u soo barakacay ka sameysteen guryo ku-meel-gaar ah. Duqaynta ayaa saameysay dhismayaal ay dadku gabaad ka dhiganayeen iyo iskuulo ka sameysan cooshado oo muddooyinkan wax lagu barayay carruurta reer Gaza. Israel ayaana weeraradaasi qaadday, iyadoo aysan jirin wax digniin ah.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa saaka sheegtay in ugu yaraan 210 oo dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymihii argagaxa lahaa ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqayntu ay si xiriir ah uga dhacday koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa isbitaalada kala duwan ee Gaza gaarsiiyay meydadka iyo dhaawacyada tiro badan oo dad ah.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin dhallaan dhawaan dhashay, carruur, haween iyo dad waayeelo ah.
Al-Mawasi oo kale oo duqayntu ay ka dhacday, kuna taala koonfurta Marinka Gaza waxay ka mid tahay goobaha ay Israel sheegtay inay u tixgelineyso aag bani’aadantinimo oo nabdoon, dadkuna ay badbaado u raadsan karaan.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in meelaha qaarkood duqaynta lagu la beegsaday xubno ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas.
Xamaas ayaa si kulul u cambaareysay, waxa ay ugu yeertay kordhinta aan loo meel-dayin ee Israel. Xamaas ayaa bayaan ku sheegtay in tani ay halis gelinayso masiirka maxaabiista Israeliyiinta.
Waa khasaarihii ugu dhimashada badnaa ee Israel ka gaysato Gaza, tan iyo markii 19-kii bishii January la hirgeliyay wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac. Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta oo soconayay 42 cisho ayaa ku ekaa 1-dii bishan.